Mursal oo Muqdisho ku laabtey iyo Xildhibaanada mucaaradka oo soo dhaweeyay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta oo sabti ah Muqdisho dib ugu soo laabtey Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku maqnaa dalka Turkiga.

Waxaa Garoonka Aadan Cadde si diiran ugu soo dhaweeyay Xildhibaanno, ay kamid yihiin kuwa mucaaradka iyo labadiisa ku-xigeen, iyadoo soo laabashiisa ay kusoo beegmaysa xilli xiisad ay ka dhex-taagan tahay Gollaha shacabka.

Khilaafka Gollaha sharci-dejinta ayaa waxa uu salka ku hayaa Warbixintii Guddiga Maaliyadda ee musuq-maasuqa iyo maamul xumada ku eedeeysay Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle iyo maamulka gobolka Banaadir.

Xiisadda ayaaa cirka isku shareertay markii uu gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Gollaha Shacabka, Cabdiweli Ibraahim Muudey oo kala diray Gudiigii Maaliyadda, taasoo ay kasoo horjeesteen xubnihiisa, kuna tilmaamay mid hareer marsan xeer hooseedka BF.

Mursal oo dhawaan wareysi arintan ku saabsan bixiyay ayaa gaabsadey inuu caddeeyo mowqifkiisa kala dirista Guddiga Maaliyadda, waxaana uu sheegay inuu dib u eegis ku sameynayo, islamarkaan eegi doona waxa uu sharciga ka qabo.

Xildhibaanada Mucaaradka ayaa ku eedeeyay Ra'iisul Wasaare Khayre iyo xukuumadiisa inay duulaan ku yihiin Gollaha Shacabka, islamarkaana ka dambeeyaan kala dirista Guddiga Maaliyadda, iyagoo ujeedkuna yahay in la daboolo musuq-maasuqa.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xoghayaha Guddiga lakala diray ayaa sheegay in dalka ay ka jirto Xukuumad aan dooneynin in lala xisaabtamo, taasoo howlagab ka dhigtay Gollahii Shacabka ee ku kor-joogteyn lahaa shaqadeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM