Mursal oo shaaciyay ajandooyinka kalfadhiga 5aad ee BF Somalia

Image

MUQDISHO, Somalia - Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo xiray Kal-fadhiga 4aad, kadib munaasabad xalay lagu qabtay Madaxtooyada, taasi oo ay kasoo muuqdeen madaxda ugu sareysa dalka – Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, oo madasha ka jeediyay khudbad dhinacyo kala duwan taabaneysay ayaa sheegay in Kal-fadhiga 5aad uu ubadnaanayo udiyaar-garowga doorashada 2020-21.

Mursal ayaa ka dalbaday xukuumada inay usoo gudbiso Gollaha sharciga doorashooyinka, isaga oo carabka ku adkeeyay in badi Fadhiyadooda ay xooga ku saarayaan arrimaha ku saabsan doorashooyinka.

"Waxaan rajaynayaa inay [Laanta Fulinta] noosoo diyaariso sharciga doorashooyinka..Inagana waxay noqon doontaa waxa ugu badan oo aan ka doodi doono," ayuu Mursal udhigay hadalkiisa.

Soomaaliya ayaa la rajaynayaa inay ka qabsoonto 2020-21 doorasho qof iyo cod ah, taasi oo ay ku baratamayaan Xisbiyo, kuwaasi oo metalaad ku yeelanaya labada Aqal ee dalka, iyada oo midka ugu badan uu dowlada soo dhisayo.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka heer qaranka, kaasi oo haatan Gudoonkiisa uu khilaaf ka dhexeeyo ayaa diiwaan-geliyay in la ogyahay in ka badan 30 xisbiyo, oo qaarkood ay hogaaminayaan siyaasiyiin caan ah.

Hadalka Mursal ayaa ka dhigan in dowladda haatan jirta ay dhankeeda qayb ka tahay diyaar-garowga, iyadda ay horey ujirtay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka uu kaga dhawaajiyay inay sameysanayaan xisbi siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM