Mursal oo wali Go’doon ku jira iyo ciidamo la dul-dhigay Hotel-kiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa wali go'doon ku jira Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal, iyadoo xayiraad la saarey dhaq-dhaqaaqiisa iyo kulamadii Xildhibaanada mucaaradka.

Illo ku dhaw Mursal ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in Xukuumadda ay ciidamo cusub dhigtay saddex wado oo gasha Hotel-ka Shabeel oo uu degan yahay Gudoomiyaha, iyadoo loo diiday inay la kulmaan Xildhibaanada Mooshin keenay.

Xildhibaanada ayaa laga hor-istaagay inay kasoo gudbaan Kontoroolada laga soo galo Hotel-ka Shabeel oo ku yaalla wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo Isgoyska KM-4, waxaana wararku ay sheegeen in ciidamada ay barayaan gaadiidka.

Mursal ayaa dhawaan kasoo guurey hoygii uu ka deganaa Villa Somalia, kadib markii xayiraad la saarey, taasoo ku khasabtay inuu u guuro Hotel-ka uu hadda degan yahay, oo shalay uu ku qabtey Shirkiisii jaraa'id ee ugu horeeyay oo uu kaga hadlay xariga Roobow iyo doorashada Koonfur Galbeed.

Khilaafka siyaasadeed ee taagan ayaa saameyn ku yeeshay shaqooyinkii hay'addaha dowladda Federaalka, iyadoo aan jirin wax kulamo ah oo Gollaha Shacabka ka socda, iyadoo Xukuumadda ay mashquul ku tahay mooshinka laga keenay Farmaajo.

Lama oga halka uu ku biyo shuban doono Mooshinka khilaafka dhaliyay, waxayna Xildhibaanada muxaafidka ay ku doodayan inaan la keeni karin Mooshin eedeyn Madaxweyne ah, illaa laga dhiso Maxkamadda Dastuuriga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM