Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Image

KAMPALA - Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa cadaadis ku saaraya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu heshiis siyaasadeed la gaaro dhinacyada mucaaradka, iyadoo khilaafka siyaasadeed ee dalka uu walaac ka abuurayo mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM, sida ay sheegtay majaladda Africa Intelligence.

Warbixintu waxay sheegtay in Museveni uu doonayo in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay gaaraan is-afgarad, si loo yareeyo xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya, loona helo jawi ku habboon sii socoshada dadaallada amni ee AUSSOM.

Xilka afarta sano ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ekaaday May 2026, iyadoo weli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka, hannaanka awood-qaybsiga iyo mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.

AUSSOM waxaa qeyb ka ah ciidamo ka socda Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Burundi, kuwaas oo taageera ciidamada Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan.

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026. Arrintan ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo mustaqbalka howlgalka iyo awoodda Soomaaliya ee ay kula wareegi karto mas’uuliyadda amniga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM