Musharax ka hadlay kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War-saxaafadeed uu soo saaray maanta Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya sannadka 2021 Dr. Abdinasir Abdille Mohamed ayuu kaga hadlay kiiska dacwadda badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya isagoo sheegay in ay lama taabtaan tahay xuduudda badeed, dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.

"Waxaan garab taagannahay qareennada difaacaya xuduud-badeedka qarankeenna, sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan oo taageeraan qareennada difaacaya baddeenna.” ayuu yiri Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir.

Sidoo kale wuxuu sheegay in la joogo waqtigii ay shacabka Soomaaliyeed u midoobi lahaayeen qaddiyadda badda oo ay taageeri lahaayeen qareennada kiiska dacwadda gacanta ku haya isagoo sheegay in Soomaaliya ay ku guulaysan doonto.

"Shacabka Soomaaliyeed waa in ay marwalba feejignaan badan muujiyaan arrinta kiiska badda iyo inay taageero buuxda siiyaan qareennada difaacaya qaddiyaddeenna si loo xaqiijiyo guusha Soomaaliya, Sidoo kale qareennada difaacaya baddeena waxaa looga baahanyahay inay marwalba naga haqabtiraan hadba meesha uu marayo kiiska baddeenna oo ay Shacabka Soomaaliyeed lasoo wadaagaan si joogto ah, waxaan rajaynayaa in xaqu u hiili doono Soomaaliya oo ay ku guulaysan doonto dacwaddaas inshallaah.” ayuu kusoo gabagebeeyey.

Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ayaa la filayaa inay qabato 15 bisha Maarso dhegaysiga dacwadda kiiska badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM