Musharax soo dhaweeyay go'aanka ICJ ee kiiska badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo dhaweeyay go'aanka Maxkamadda Cadaaladda Aduunka kasoo saartey dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya.

ICJ ayaa Jimcadii shalay ahayd waxay diidey dalab ka yimid xukuumadda Nairobi oo ahaa in mar afaraa dib loo dhigo dacwadda balse waxaa soojeedintaas gaashaanka ku dhufatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, diidmadda ICJ waxay meesha ka saareysaa marmarsiyada xukuumada waqtiga ka dhamaadey ee ku aadan in mucaaradka ay sabab u yihiin codsiga Kenya.

Warsame oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee mareegta Facebook ayaa ku waaniyey madaxda waqtiga ka dhamaadey in aysan siyaasadeyn kiiska badda oo soo bilowday sanadka markii uu ahaa 2014-kii.

"Waxaan soo dhoweynayaa go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Addunka ay ku dhageysaneyso dacwadda badda xilligii horay loogu muddeeyey," ayuu yiri Sabtida maanta ah.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Waa Alle mahaddii ah in ay meesha ka baxday isku daygii lagu doonayey in mucaaradka lagu eedeeyo dib u dhaca dacwadda".

Siyaasiga ayaa hadalkiisa wuxuu kusoo gabagabeeyay: "Waxaan ugu baaqayaa madaxda muddo xileedkooda dhammaaday in aysan arrimaha danta qaranka u adeegsadaan ciyaar siyaasadeed".

Dhageysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenya oo dood-afeed ah ayaa bilaabaneysa 15-ka bisha Maaj ee sanadkan 2021-ka, waxaana labada dal ay heli doonan fursadii ugu dambeysay oo ay kusoo gudbiyaan difaaca doodahooda kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM