​Musharaxiin Khudbado ka jeedinaya Golaha Shacabka

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga Doorashada Gudoonka Barlamanka Somalia, ayaa soo saarey liiska musharaxiinta Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacbiga kuwaasoo maanta khudbadahooda ka hor jeedin doona Xildhibaanada dhawaan lasoo xulay ee fadhiga kuleh magaalada Muqdishu.

Musharaxiinta khudbadaha jeedinaya waxaa kamid ah; Xildhibaan Cawad Cabdalla, oo afartii sano ee lasoo dhaafay ahaa ku xigeenka labaad ee Gudomiyaha Barlamankii kan ka horeeyay.

Mudane kasta oo jagadaasi raadinaya, waxaa la siiyay min 15 Daqiiqo oo kaga waramayo waxqabadka uu la imaan doono 4 sano ee soo socota iyo taariikh nololeedkiisa.

Maanta, ayaa qorshu yahay in lasoo gaba-gabeeyo Khudbadaha musharaxiinta, iyadoo Doorashada Gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa la filayo inay dhacdo maalinta Khamiista soo socoto (11-12ka January),  sida uu Gudiga Doorashadu horay u sheegay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM