Musharaxiin ku qulqulaysa Baydhabo iyo KG oo kusoo wajahan doorasho

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, sida warsidaha Garowe Online kasoo xigtey illo wareedyo aad ugu dhow.

Roobow oo dowladda isku soo dhiibay sanadkii hore kadib markii uu kasoo goostey Al-Shabaab ayaa ujeedka safarkiisa Baydhabo waxay tahay si uu ubilaabo olalahiisa doorashada ee sanadkaan.

Warar lagu kalsoonaan karo oo uu helayo warsidaha GO waxay intaas ku darayaan in marka uu tago xarun goboleedka Bay uu ku dhawaaqi doono inuu murashax u yahay jagada Madaxwaynaha maamulkani.

Doorashada madaxtooyadda Koonfur Galbeed oo qabsoomeysa bisha soo socota horaanteeda ayaa murashixiinta u taagan waxaa qayb ka ah Shariif Xasan Aadan oo sanadihii ugu dambeeyay xilkaani hayey.

Madaxwaynaha mudada xileedkiisu gabaabsi yahay ee Shariif ayaa wajahaya loolan siyaasadeed oo adag, kaasi oo Villa Soomaaliya ay qayb ka tahay, ayna dooneyso inuu kusoo baxo siyaasi ay aragti ahaan iska akdhow yihiin.

Afhayeenka Gollaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhowaan la kulmay dhowr murashax oo uu Roobow kamid yahay, kuwaasi oo uu hami uga jiro xilka madaxwaynaha KG.

Olale siyaasadeed oo xoog badan ayaa ka socda Baydhabo xili murashaxiinta ay kulamo la qaadanayaa Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Xilldhibaanada iyaga oo doonaya inay codka ka heleen Mudanayaasha soo bixi doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM