Musharaxiin si kulul uga hadlay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar kamid ah musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay weerarkii ismiidaaminta ee xalay ka dhacay degmada Shangaani gaar ahaan maqaayad ay ku caweynayeen dhalinyaro kuwaasoo afar kamid ku dhinteen, laba kalan ku dhaawacmeen.

Musharaxiinta oo qaarkood ay xilal waaweyn kasoo qabteen waddanka ayaa carabak ku dhuftay in weerarkan uu tooshka ku ifinayo in laamaha ammaanka waajibaadkooda qaran "looga mashquuliyey faragelinta siyaasada".

Hay’adaha amniga qaranka ayay cod dheer ugu baaqeen in ay iska diidaan in loo adeegsado dano siyaasadeed kana shaqeeyaan xasiloonida dalka.

Kahor inta aysan u tacsiyeyn ehelada dadkooda ku waayey falkaas, qoraalo kala duwan oo ay soo dhigeen ciwaanadooda shaqsiga ah ee Facebook ayay si dadban ugu eedeeyeen maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo in uu sidii xukunka "isugu sii dhejin lahaa u adeegsanayo ciidamadda ammaanka".

Hoos ka akhriso qoraalada musharaxiinta

Shariif Sheekh Axmed:

Waxaan umadda Soomaaliyeed la wadaagayaa murugada iyo tacsida dhalinyaradii caawa qaraxa lagu dilay, anigoo marka hore tacsi u diraya dhammaan qoysaska dhalinyaradaas mustaqbalka u ahayd dalka ee naftii haliga qariban oo Shabaab ka tirsan uu ku qarxiyay degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho.

Waa musiibo u baahan in guud ahaan shacbi iyo madax gacmaha la isku qabsado, loona istaago sidii looga hortagi lahaa Argagixisada Shabaab, gabi ahaanna Dalka oo dhan laga xorreeyo.

Ugu dambeyntii waxaan hay’adaha amniga ee Qaranka ugu baaqayaa inay waqtigooda galiyaan ka hortagga cadowga argagixisada oo ay iska diidaan in Siyaasad lagu mashquuliyo.

Xasan Cali Khayre:

Waxaan guud ahaan shacabka soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaskii iyo saaxiibadii ay ka baxeen uga tacsiyeynayaa dhalinyaradii galabta lagu xasuuqay qarixii ka dhacay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Waa dhacdo kale oo naxdin leh, quluubteenana murugo ku reebi doonto. Waana dhacdo kale oo muujineyso arxan-darada cadowga caadeystay xasuuqa umadda Soomaaliyeed ee argagixisada Shabaab.

Inkasta oo geeri oo dhan ay xanuun badantahay, hadana si gaar ah ayaan uga xanuunsadaa, ugana danqadaa marka aan maqlo in cadowgu ay xasuuqeen dhalinyaro noqon lahaa ubixii dalkan ee beri, mustaqbal iyo aayo nololeed oo ifiyana lahaa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame:

Waxaan muragada xanuunka badan la qaybsanayaa qoyska, ehelka iyo saaxiibada dhalinyarada ay caawa argagexisadu ku xasuuqeen Xaafada Shangaani. Allaha u naxariisto, sabar iyo iimaana Allaha naga siiyo, janadii Firdawsana Allaha ku abaal mariyo.

Hay’adihii amniga iyo sirdoonka waxay waajibkii amni iyo sirdoon ee looga hortegi lahaa argagexisada, laguna badbaadin lahaa shacabka u weeciyeen siyaasiyada iyo xaqiijinta damaca shakhsi xilkiisii dhamaaday, kuna fashilmay masuuliyadii loo igmaday. Waxaan rajaynayaa in shacabka Muqdisho ay ka dhiidhiyaan hooga iyo silica ay ku jiraan.

Daahir Maxamuud Geelle:

Waxaan murugada la qaybsanayaa ummadda Soomaaliyeed, ehellada iyo dhallinyarada saaxibada la ahaa dhallinyaradi ay argagixisadu caawa ku xasuuqeen Muqdisho.

Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa ehellada ay dhallinyaradi indhaha u ahaa caawa uga geeriyootay qarixi argagixasadu ka geysteen maqaayad ku taalla Shaangaani.

Allaha ayaan uga baryayaa inuu jannadiisa ka waraabiyo kuwa dhaawacana u booga dhayo.

Waxaa nala gudboon inaan u midowno sidi aan isaga xorayn lahayn kuwa maalin kasta gumaadaya shacabka gaar ahaan dhallinyarada mustaqbalka dalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Burundi oo Ka Baxaya Soomaaliya Kadib Khilaaf ka dhashay AUSSOM

Sidoo kale, ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerar saddexaad uu ka dhacay Beero Yabaal oo ku yaalla waqooyi-galbeed Aboorey.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 03:19PM

Mareykanka oo ka qeyb-galay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda ayaa xustay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin AFRICOM.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 09:47AM