Musharaxiinta iyo madaxda maamulada qaar oo kulmay
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle ayaa xalay waxay Muqdisho kula shireen xubnaha Midowga Musharaxiinta, sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.
Kulankaas ka dhacay huteelka Decale ee ku yaala garoonka diyaaradaha ayaa lagu waramay in diiradda lagu saarey arrimihii ugu dambeeyay kasoo kordhay doorashooyinka heer Qaran ee loo balansan yahay 2020-21.
Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxda ay si adag uga doodeen go’aankii xukuumadda ku iclaamisay qabashada doorasho hal dhinac ah.
"Musharaxinta waxay waydiiyeen madaxweyne Qoorqoor sababta ku kaliftay hadalkiisa ahaa in uu jawaab ka waayey dhinacyadii ay isku arkeen Garowe. Balse kama bixin jawaab laguwada qanco," ayay sheegeen illo wareedyo.
Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in madaxda maamuladda ay ka codsadeen musharaxiinta in ay soo gudbiyaan liiska xubnaha ay qoonsadeen ee ku jira guddiyadda lagu muransan yahay ee doorashooyinka Qaranka.
Si lamid ah, waxay ka dalbadeen in ay la hadlaan madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland si ay u soo magacaabaan xubnaha ku metelaya guddiyadda.
"Talaabo caddeyneysa in Qoorqoor lumiyey dhexdhexaadnimada iyo kalsoonida musharaxiinta, waxaa iyadda oo kulanku socday uu madaxweyne Laftagareen dalbadey in markan lagu tijaabiyo in uu xal u goobo khilaafka jira," ayay raaciyeen illo wareedyadda GO uga waramay shirkaas.
Ma cadda hadii musharaxiinta ay si rasmi ah u ogolaadeen dalabka Laftagareen oo qudhiisa kamid ah dhinacyadda u jaranjeera siyaasadda Villa Soomaaliya.
Illaa haatan, waxaanan caddeyn doorkii uu shirkaas ku lahaa madaxweynaha dhowaan la doortey ee HirShabelle, Cali Cabdullaahi Guudlaawe, balse waxaa jira macluumaadyo kala duwan oo ku aadan hadalo uu shirka ka sheegay.
Wadahadalada ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa la filayaa in ay sii socdaan, waxaana waqtiga uu yahay mid isa sii guraya taas oo sarre u qaadeysa suurtagalnimada in 8-da Febraayo aysan doorasho dhici karin.
GAROWE ONLINE