Musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug oo la gudbiyey
DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] ayaa magacaabay musharaxiinta lix kursi oo kamid ah xubnaha Galmudug ku leedahay Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka.
Liiska lasoo bandhigay waxaa ku jira afar haween ah kuwaasoo ku tartami doono laba kursi. Tani waxay ka dhigan tahay in ay kasoo bixi karaan laba haween ah waana qoondada 30% ee gaarka u ah dumarka.
Cabdi Axmed Dhuxulow [Dhagdheer] iyo Yuusuf Geelle Ugaas [Dhagey] ayaa loo saadaalinayaan in ay mar kale kusoo bixi karaan kursigan waxaana ay golaha kamid ahaayeen afartii sano ee lasoo dhaafay.
Galmudug ayaa Aqalka Sare waxay ku leedahay 8 xubnood. Labada kursi ee musharaxiintooda aan lasoo gudbin waxaa lagu waramay in uu ka taagan yahay loolan aad u culus isku hayaan siyaasiyiin aad u culus.
Cabdi Xasan Cawaale [Qeydiid] iyo Axmed Ducaale Geelle [Xaaf], madaxweynaha maamulka Galmudug, ayaa ku baratamaya mid kamid ah kuraastaas, walina lagama gaarin wax is-fahan ah.
Dhanka kale, guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa shaaciyey in musharaxiinta ay maanta qaadanayaan kaararka diiwaan-gelinta isla markaana ay bixinayaan lacagta diiwaan-gelinta.
Sida laga soo xigtey war qoraal ah oo kasoo baxay guddiga, doorashadda iyo hadal-jeedinta ayaa waxaa loo muddeeyay Khamiista asbuucaan oo taariikhda ku beegan tahay 12-ka bisha August sanadkan 2021-ka.
Hoos ka akhriso magacyadda musharaxiinta
GAROWE ONLINE