Musharaxiinta: Ma aqbaleyno natiijada shir aanan ka qeybgelin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kana mid ah Midowga Musharaxiinta, ayaa shuruud ku xiray in ay ogolaadaan shir kasta oo looga arrin-sanayo arrimaha doorashooyinka ee qabsooma wixii ka dambeeya 8-da bisha Febraayo.

Warsame ayaa ku eedeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu caqabad ku yahay hirgelinta heshiiskii 17-kii September ee dhexmaray dowladda federaalka iyo maamulada.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa aaminsan in Farmaajo uu miiska wadaxaajoodka soo fariisto isaga oo musharax madaxweyne ah.

"Farmaajo sharciyad uma haysto in uu kulan ku baaqo. Kalsoonida ayuu lumiyey dhabna kama ahan. Wuxuu caqabad ku yahay hirgelinta heshiiskii 17-kii September. Midowga Musharaxiinta waxay aqbalayaan natiijadda shir-madaxeed ay qeyb ka yihiin. Farmaajo wuxuu kaga qeybgalayaa shirka sidda musharax kale," ayuu Warsame kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Dhawaqa Warsame ayaa yimid saacado kadib markii Farmaajo uu iclaamiyey shir ay 15-ka Febraayo yaalanayaan madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda kuna qabsooma magaala madaxda dowlada Puntland ee Garowe.

Puntland oo ka jawaabtay shirkaas ayaa xustey in aan laga talogelin isla markaana ay ku talineyso in shirku ka dhaco Muqdisho kana wada qeybgalaan dhamaan saamileyda siyaasadda waddanka iyo wakiilada Beesha Caalamka.

Dowladda Jubaland, afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Musharaxiin iyo siyaasiyiin kale ayaa taageeray soojeedinta Puntland.

Dowladda Farmaajo ee muddo xileedkeeda dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo ee sanadkan 2021 kadib burburka wadahadalkii Dhuusamareeb ayaan wali ka falcelin go’aanada ay qaateen dhinacyaddan. Villa Soomaaliya ayaana ka jawaabin codsiyo loo diray oo ku aadan in ay caddeyso mowqifkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM