Musharaxiinta: Ma aqbaleyno natiijada shir aanan ka qeybgelin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kana mid ah Midowga Musharaxiinta, ayaa shuruud ku xiray in ay ogolaadaan shir kasta oo looga arrin-sanayo arrimaha doorashooyinka ee qabsooma wixii ka dambeeya 8-da bisha Febraayo.

Warsame ayaa ku eedeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu caqabad ku yahay hirgelinta heshiiskii 17-kii September ee dhexmaray dowladda federaalka iyo maamulada.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa aaminsan in Farmaajo uu miiska wadaxaajoodka soo fariisto isaga oo musharax madaxweyne ah.

"Farmaajo sharciyad uma haysto in uu kulan ku baaqo. Kalsoonida ayuu lumiyey dhabna kama ahan. Wuxuu caqabad ku yahay hirgelinta heshiiskii 17-kii September. Midowga Musharaxiinta waxay aqbalayaan natiijadda shir-madaxeed ay qeyb ka yihiin. Farmaajo wuxuu kaga qeybgalayaa shirka sidda musharax kale," ayuu Warsame kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Dhawaqa Warsame ayaa yimid saacado kadib markii Farmaajo uu iclaamiyey shir ay 15-ka Febraayo yaalanayaan madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda kuna qabsooma magaala madaxda dowlada Puntland ee Garowe.

Puntland oo ka jawaabtay shirkaas ayaa xustey in aan laga talogelin isla markaana ay ku talineyso in shirku ka dhaco Muqdisho kana wada qeybgalaan dhamaan saamileyda siyaasadda waddanka iyo wakiilada Beesha Caalamka.

Dowladda Jubaland, afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Musharaxiin iyo siyaasiyiin kale ayaa taageeray soojeedinta Puntland.

Dowladda Farmaajo ee muddo xileedkeeda dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo ee sanadkan 2021 kadib burburka wadahadalkii Dhuusamareeb ayaan wali ka falcelin go’aanada ay qaateen dhinacyaddan. Villa Soomaaliya ayaana ka jawaabin codsiyo loo diray oo ku aadan in ay caddeyso mowqifkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM