Musharaxiinta oo dalbaday "ballaarinta" shirka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxay soo gabgabaeeyeen kulan saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

War-murtiyeedka kasoo baxay kulanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu caddeeyay in musharaxiinta ay isku raaceen afar qodob kuwaasoo sida ay u kala horeeyaan u noqonaya sidan;

- In 135-kii oday dhaqameed ee loo aqoonsanaa hogaanka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan soo xulista ergooyinka dooranaya Xildhibaanada Aqalka Hoose

- In doorashadda ay ka dhacdo goob amnigeeda sugan yahay oo ay kawada qeyb-qaadanayaan ciidamadda booliska Soomaaliya iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM

- In kaalinta dowlad goboleedyada ay ku ekaato fududeynta iyo hab-sami u socodka qabashadda doorashooyinka [Aqalka Sare waxay mareysaa gabagabo, Aqalka Hoosena waa wali]

- In bulshadda rayidka ah, ururada caalamiga ah iyo xubnaha Beesha Caalamka ay goobjoog ka noqdaan hab-sami u socodka doorashooyinka dalka haatan durba ka bilowday

Dhanka kale, musharaxiinta ayaa ka dalbadey ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble in uu ballaariyo gogosha kulanka soo aadan ee madaxda Soomaalida ku yeelanayaan Muqdisho "si loo xaqiijiyo arrimahaan".

Dhawaqa kasoo yeeray musharaxiinta ayaa kusoo aadaya xilli qaar kamid ah ay walaac ka muujiyeen hanaanka ay ku bilaabatay doorashadda oo ay si aan toos ahayn carabka ugu dhufteen in uu salka ku hayo "nin jeclaysi".

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM