Musharaxiinta oo dalbaday talaabo ka dhan ah maamulka Farmaajo
MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxay ka hor-yimaadeen go'aanka halka dhinac ee Golaha Shacabka mudada labada sano ugu kordhiyey maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir kana mid ah musharaxiinta, ayaa go’aankaas wuxuu ku sifeeyay "sharci darro iyo mid halis gelinaya dowladnimadda, amniga iyo xasiloonida wadanka".
Warsame oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa daaha ka rogay in Golaha Shacabka uusan kaligii awood u lahayn ansixinta muddo kordhinta hay’adaha fulinta, Aqalka Sarana ku taageereysaneyn go’aanka.
Senate-ka oo war qoraal ah soo saarey ayaa sharci darro ku sifeeyay go’aanka, isaga oo hogaanka federaalka ku booriyey in wadahadalka ku laabtaan isla markaana ay waddanka ka badbaadiyaan xasilooni darro culus.
"Baarlamaanka wax dastuurka kasoo horjeeda ma ansixin karo xataa haddii labadiisa gole dhan yihiin. Hal golaa fariistay oo loo dhameyn waliba oo dadii mucaaradka ahaa ee ka aragtida duwanaa kooramkooda saxda ma ahayn xataa qiil uu kusii jiro looma sameyn karro muddo xileedkiisa waa dhamaadey," ayuu raaciyey Warsame oo shacabka ku booriyey in ay diidaan go’aanka.
Xalka kaliya ee looga gudbi karo hubanti la’aanta ka taagan in xaaladda kala guurka ay noqoneyso mid nabdoon ayuu ku sifeeyay in dib loogu laabto wadaxaajoodyadda isla markaana madaxda heshiis mid ah gaaraan.
"Doorasho dadban waxaa caqabad ku noqdey madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaadka. Xubnaha baarlamaanka ee ansixiyey muddo kororsiga waa dad aan kalsooni isku qabin in dib loosoo dooran doono. War dad qaban waayey doorasho dadban miyaa waxay naga raaraadidayaan waxaan qabaneynaa doorasho dadban," ayuu hoosta ka xariiqay siyaasiga Cabdiraxmaan Warsame.
Farmaajo oo xilkiisu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021-kii ayuu si gaar ah ugu eedeeyay kala qeybinta waddanka iyo in uu geliyey hubanti la'aan.
Ugu dambeyntii, ciidamadda howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayuu ku tartarsiiyey in aysan ammaankooda sugin madaxda carqalade ku ah qabsoomida doorashooyinka, xasilooni darana gelinaya Soomaaliya.
"Waxaan sidoo kale ka dalbaneynaa Beesha Caalamka in ay talaabo ka qaado dadka carqaladda ku ah doorashooyinka kana shaqeynaa xasilooni darada dalka Soomaaliya iyagoo cuskanaya qaraaradii golaha ammaanka," ayuu kusoo xiray.
GAROWE ONLINE