Musharaxiinta oo dhoolatus ka sameeyay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xubno kamid ah Midowga Musharaxiinta tartanka madaxtinimada Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxay socod-ku-mareen qaar kamid ah waddooyinka magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Musharaxiinta ayaa sidoo kale waxay booqdeen barxadda Daljirka Daahsoon halkaas oo lagu waddo in uu berri ku qabsoomo mudaaharaadka "lagu dalbanayo in la dedejiyo doorashooyinka ayna ku dhacaan hab la isla ogol-yahay".

Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ahna madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya oo warfidiyeenka kula hadlay Daljirka Daahsoon, ayaa rajeeyay in banaanbaxa uu noqdo mid nabdoon.

Aas-aasaha iyo hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa sidoo kale wuxuu rajeeyay in mudaahaaradka uu noqdo mid dib u soo celiya dimuqraadiyadda waddanka "iyo dowladda oo sharciga ilaaalisa".

"Berri waa maalin weyn waxaa dhici doona mudaaharaad weyn waxaana rajeynayaa in sharcigii lasoo celiyo iyo kala dambeyntii," ayuu ku daray.

Xasan Cali Khayre, Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariin Xuseen Guuleed, musharaxiin kale, Xildhibaano iyo ciidamo fara badan ayaa wehliyey musharaxiinta oo u muuqday "kuwa dhoolatus sameynaya".

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku tilmaamay "musharax kamid ah musharaxiinta u tartameysa xilka madaxtinimadda" isaga oo ku booriyey in uu ogolaado qabashada doorasho.

"Madaxweynow waxaa la aaminsan yahay in doorashadda aad adiga caqabad ku tahay, doorashadda ka hor-leexo," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Farmaajo ayaa muddo xileedkiisa dastuuriga ah wuxuu ku ekaa 8-da Febraayo, 2020, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay ay musharaxiintu sheegeen in aysan u aqoonsaneyn madaxweyne haysta sharciyad uu waddanka kusii joogo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM