Musharaxiinta oo mar kale dib u dhigay banaanbaxa

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa sheegay in ay dib u dhigeen banaanbaxii loo balansanaa maalinta berri ah ee bilowdaga todobaadka dambe.

Balse waxay sheegeen in aysan ka tanaasulin isla markaana dib la shaacin doonan maalinta xigta iyo goobta uu ku qabsoomi doono mudaaharaadkaas.

Amniga isu-soo-baxaas ayay hoosta ka xariiqeen in ay ayaga sugi doonan maadaama aysan kalsooni badan ku qabi karin ciidamadda dowladda waqtiga ka ka dhamaadey.

Dowladda federaalka ah ayay dhaleeceeyeen in ay baalmartay heshiiskii ay la galeen todobaadkan kaasoo dhigayey in ay kawada shaqeeyaan abaabulka dibad-baxa.

Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta oo warfidiyeenka u waramay kadib shir ay ku yeesheen Hotel Jazeera, ayaa u mahadceliyey abaabuleyaasha banaanbaxa.

Xasan Sheekh Maxamuud oo kamid ah golaha lana hadlay saxaafadda, ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay kasoo qeybgalaan banaanbaxa ay dib kaga dhawaaqi doonan.

Dib-u-dhaca banaanbaxa ayaa kusoo aadaya ka gedaal markii xukuumadda xil-gaarsiinta iyo musharaxiinta isku fahmi waayeen kaalintooda wadahadalka arrimaha doorashada.

GAROWE ONLINR

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM