Rooble oo loo gudbiyey xubnaha cabashada laga qabo

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta wuxuu xafiiskiisa kula kulmay xubno matalayay Midowga Musharraxiinta.

Dhinacyada shirka kasoo muuqdey waxay kala yihiin; Madaxweyneyaashii hore ee dalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed, Xasan Sheikh Maxamuud iyo hogaamiyihii Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Sida uu sheegay xafiiska wasiirka koowaad, Rooble ayaa darafyada ka guddoomay liiska xubnaha ay cabashada ka qabaan ee ku jira guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo dowlad-goboleed.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble xafiiskiisa kula kulmay xubno matalayay Midowga Musharraxiinta oo kala ah Madaxweyneyaashii hore Sheikh Shariif Sheikh Axmed, Xasan Sheikh Maxamuud iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo uu ka guddoomay liiska xubnaha ay cabashada ka qabaan ee ku jira guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo dowlad-goboleed," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Dhanka kale, xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal kooban kasoo saarey kulanka ayaa wuxuu xaqiijiyey in ay gudbiyeen xubnaha lagu muransan-yahay ee kamid ah guddiyada doorashada.

"Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo ay wehliyaan madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed iyo mudane Abdikarim Hussein Guled ayagoo matalaya Midowga Musharixiinta ayaa Ra'iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble waxay u gudbiyeen liiska xubnaha ay cabashada ka qabaan ee ku jira guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed," ayuu yiri xisbiga.

Gudbinta xubnahan ayaa kamid ahayd heshiiska ay asbuucii hore Muqdisho kaga dhawaaqeen madaxda Soomaalida. Talaabadan waxay imaaneysaa xilli ay laba casho ka hartay gudbinta oo ah shan casho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM