Shirqool "loo maleegayo doorashooyinka" oo laga digay

Image
Musharaxiinta ayaa sheegay in Farmaajo iyo Fahad ay ku howlan yihiin qorshahan oo halis ku dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa dalbadey in la dedejiyo doorashooyinka ayna hawshaas ku garab taagan yihiin ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta iyo Golaha Wadatashiga Qaran.

Qoraal ayay ku sheegeen in ay ugu baaqayaan Rooble "in uusan gorgortan ka gelin heshiiskii 27 Maajo ee loogu igmaday gacan ku haynta amniga iyo daadihinta doorashooyinka dalka".

Ciidamadda ayay hoosta ka xariiqeen in muhiim ay tahay in aysan ku milmin siyaasadda "kana hortagaan cid kasta oo isku dayda in ay carqaladeyn ku sameyso doorashooyinka".

Beesha Caalamka iyo golaha wadatashiga qaranka ayay ku waaniyeen in ay ka gacan ka geystaan sidii deg-deg loogu dareeri lahaa doorasho "tilmaamaanna shaqsiyaadka qas-wadayaasha ah".

"Waxaan indhaha ku haynaa dhaqdhaqaaqa ciidan iyo shirqoolka ay maleegayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey iyo taliyihii hore ee NISA si ay u carqaladeeyaan doorashooyinka una abuuraan xasilooni darro iyo qalqal amni," ayay ku dareen.

Farmaajo iyo Fahad ayay hoosta ka xariiqeen in aysa ka yeeli doonin in ay carqaladeeyaan doorashooyinka waxaana ay ku tartarsiiyeen in ay ka fogaadaan talaabooyinka ay haatan ku fekerayaan.

Ugu dambeyntii, cadaalad u helida kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayay tibaaxeen in ay mar walba u taagan yihiin. Xeer-ilaalinta ayay ku booriyeen in ay shacabka lasoo wadaagaan cid kasta oo carqalad u ah baarista.

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta

No photo description available.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM