Xasan oo hanjabaad kaga jawaabay go'aankii xukuumada

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta ayaa habeenimadii Sabtida waxay shir deg-deg ah ku yeesheen huteelka Jazeera ee ku yaala magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulankooda, sidda ay xoguhu caddeynayaan, ayay ku gorfeeyeen talaabooyinka ay qaadayaan kadib go'aankii maanta ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xukuumadda uu hogaamiyo Ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaacisay in ay qabaneyso doorashooyin hal dhinac ah kana maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

Go'aankaas ayaa kasoo baxay ka gedaal markii uu miradhali waayey dedaaladii socday ee xalka loogu goobayay saddexda qodob ee saldhiga u ah is-mari-waaga haatan jira.

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 8aad ee dalka oo ku hadlay afka musharaxiinta, ayaa beeniyey warka kasoo baxay dowladda ee ah in dhankooda jawaab laga waayey.

Hogaamiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa "qadaf iyo wax aan cuntami karin" ku tilmaamay go'aanka dowladda, isaga oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara.

Sida laga soo xigtay Xasan oo go'aanka dowladda ku sifeeyay "nasiib darro, musharaxiinta ayaa soo jeediyey shir guud oo lagu falanqeeyo xalka arrimaha taag-taagan.

"Midnimada dalka ayuu khatar gelinayaa go'aanka halka dhinac ee maanta dowladda ku go'aamisay in doorasho ay aadaan qeyb ka mid ah dalka, ayadoo la leeyahay qaad waa laga maarmaa ama loo joojin maayo qeybaha kale, Madaxweynaha sidii ruuxaantii dadka yuusan ka soo dhex hadlin ee bannaanka ha yimaado, haddii shalay doorashooyinkii ciidan iyo xoog lagu boobay, tani tii hore waa ka duwan tahay," ayuu Xasan ku daray.

Madaxda dowladda ee shaacisay go'aanka hal dhinac ah ayuu ku wargeliyey in aysan metelin degaanada laga soo doortey isaga oo xusay "in aysan sax ahayn talaabadaas".

"Madaxweynaha Jamhuuriayddana waxaan leenahay 'qaar waa laga maarmaa in aad tiraahdid, qaarna ciidamadaa u daabulaa oo geysanayaa ciidan xoog dadka iigu soo afduubayo, nimanka odayaasha ee saaxiibadaa ahna ay raali ku yihiin' dadka Soomaaliyeed ee degaanadaas jooga kuma metelaan raalinna kama ahan, ciidana laguma baabi karo," ayuu tibaaxay.

Ugu dambeyntii, Xasan Sheekh ayaa ku dhawaaqay in ay qaadanayaan talaabooyin sababeyn in aan loo baahan dowladda federaalka "hadii ay joojin waydo go'aanada halka dhinac".

"Hadii dowladda wixii maanta ay ku dhawaaqdey inay sii wado ay go'aansato ay ku adkeysato wax fiican ma ahan, waana waxa aan ka digeyno oo aan diideyno; annagu markaas talaabo kale ayaan qaadi doonaa. Annaga talaabadda aan qaadi doono waxaan rajeynaynaa in aan loo baahanin [dowladda federaalka] oo aaney imaanin. Waxaan rajeynaynaa [kahor] in dowladda miirka u soo noqdo oo doorashada [dhexda soo dhigto]," ayuu kusoo xiray.

Hanjabaada musharaxiinta ee uu ka dhawaajiyey Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sarre u qaadey walaaca laga qabo in Soomaaliya ay wixii ka dambeeya 8-da Febraayo yeelato madaxweyneyaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Wasiir hore oo loo xukumay afduub iyo burcad-badeednimo

Wariye Michael Scott Moore ayaa wuxuu haystaa dhalashada dalalka Mareykanka iyo Jarmalka.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 07:56AM

Fahfaahin cusub oo laga helay kulankii Xamse iyo wafdiga dowlada Kenya

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa isku-dayada Villa Soomaaliya ku cadaadineyso maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    14-11-2024

  • 12:10PM