Musharaxiinta oo soo jeediyey dalab la xiriira doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Farmaajo aysan u aqoonsan doonin madaxweyne wixii ka dambeeya 8-da bishan Febraayo ee sanadkan 2021-ka.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii wadahadaladii xalka loogu raadinayey khilaafka doorashooyinka ee Dhuusamareeb ku qabsoomay todobaadkii aynu kasoo gudubnay ay natiijo la’aan kusoo idlaadeen.

Sidda ku xusan qoraal wadajir ah oo musharaxiinta daabaceen, tartameyaasha oo isugu jira madaxweyneyaal, ra’iisul wasaare iyo siyaasiyiin kale ayaa si weyn uga soo horjeeda in muddo kororsi loo sameeyo dowlada.

Musharaxiinta ayaa dalbadey in la sameeyo gole heer qaran oo waddanka ka samata bixiya mar-xaladda kala guurka ah ee uu ku jiro.

Golahaas waxay tibaaxeen in uu ka koobnaanayo labada gudoomiye ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre, madaxweyneyaasha maamuladda, wakiilo ka socda Musharaxiinta iyo Ururadda Bulshadda Rayidka ah.

Bayaanka ayay ku caddeeyeen in golaha uu waajibaadkiisa noqon doono in uu ka shaqeeyo jadwal la isla ogol-yahay oo doorashadda ah.

Musharaxiinta ayaa u muuqda kuwa quudareynaya in kalkan kaali ku yeeshaan taladda iyo qaabka dalka uga baxayo mar-xalada kala guurka isla markaana meesha ka saarey qodobkii dastuuriga aha ee xeerinayey in afhayeenka Aqalka Hoose uu sii-haaye madaxweyne noqonayo hadii hogaamiyaha Jamhuuriyadda uu waqtigiisa ka dhamaado iyada oo heshiis doorasho jirin.

Talaabadan ayaa ka dhigan in ay kalsooni badan ku qabin Guddoomiye Maxamed Mursal Cabdiraxmaan kaas oo aad ugu dhow Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Farmaajo oo raadinaya in uu baaqi kusoo ahaado Villadda.

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Itoobiya oo soo dhaweeyay heshiis lagu saxiixay Muqdisho

Ciidamada AUSSOM ee laga soo xulay Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Masar, iyo Uganda waxay ka kooban yihiin 11,900 askari.

  • Soomaliya

    01-03-2025

  • 02:12PM

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo Daah-furtay Barnaamijka Taakuleynta Bisha Ramadan

Dr. Xabeeb ayaa ka mahadceliyay Deeqda ay soo gaarsiisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo sanad waliba marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadan.

  • Soomaliya

    01-03-2025

  • 12:27PM