Musharaxiinta oo ku gacanseyray dalab kaga yimid Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulankii dhexmaray Midowga Musharaxiinta iyo hogaamiyeyaasha maamul goboleedyadda Galmudug iyo HirShabelle ayaa wuxuu kusoo idlaadey natiijo la'aan.

Tartameyaasha xilka madaxweynaha waxay diideen codsiga ah la kulanka Farmaajo kuna canaantay Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe in aysan kulanka la imaan mowqif cad oo ay ka qaateen muddo kororsiga labada sano.

Warar ayaa sheegaya in Cabdiraxmaan Cabdishakuur kasoo baxay kulanka markii Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ka gaabsadeen aragtidooda ku darsiga.

Madaxweynaha waqtiga ka dhacay ayaa la sheegay in uu damacsan yahay carqaladeynta shirweynaha lagu waddo in uu Muqdisho ku dhexmaro siyaasiyiinta Beesha Hawiye kuna qabsoomaya Muqdisho.

Dalabka Farmaajo ee la kulanka mucaaradka ayaa soo shaac-baxay ka gedaal markii uu maanta la kulmay wakiilada Beesha Caalamka oo taageero uu ka waayey.

Kadib shirka guud ee wakiilada Beesha Caalamka, danjireyaasha dalalka Mareykanka, UK iyo Midowga Yurub ayaa maanta si gaar ah Farmaajo ula wadaagay fariimo ay ka sideen dowladahooda - taasoo ay u badan tahay in ay la xiriirto hanjabaadaha ku jiray qoraaladii ay dhowaan soo saareen.

Dhanka kale, intii kulanka guud socday, diblumaasiyiinta ayaa si cad ugu sheegay Farmaajo in aysan taageeri karin muddo kororsiga "maadaama ay su'aal ka taagan tahay hanaanka sharci ee loo marayo" iyo in ay muddo xileedkii ka idlaatay Golaha Shacabka. Ma jirin ajande kale oo shirka lagu soo qaadey.

Geesta kale, Xildhibaano, saraakiil iyo siyaasiyiin horleh oo tegay xaafada Shiirkole ee Muqdisho ayaa warbaahinta Farmaajo u mariyey digniino la xiriira ku darsiga "sharci daradda ah".

Isku dayga "uu ku doonayo in uu ku weeraro" Saadaq Joon ayay ku waaniyeen in uu ka laabto. Qabashada shir xal lagu goobayo iyo doorashada si deg-deg ah ayay ku taliyeen.

Ciidanka oo maamulka Farmaajo lagu eedeeyay in uu ku milmay siyaasadda isla markaana "qabyaaladeeyay ayay ku tartarsiiyeen in aysan ku milmin is-jiid-jiidka siyaasadeed ee taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM