Musharaxiinta oo lagu tartarsiiyey shaacinta hantidooda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya waa in ay dadweynaha la wadaagaan cadadka hantidooda shaqsiga ah kahor inta aan la guda gelin doorashada, sida uu cod dheer ku soo jeediyey musharax kale.

Talaabadan ayaa, sida uu rumeysan yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxay sahleysaa in lala xisaabtamo hogaamiyeyaasha la doortey haddii ay sameeyaan ku takrifal awoodeed iyo lunsashada xoolo uu leeyahay qaranka.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo xalay marti ku ahaa Madasha Aragti-wadaaga Garowe Online ee Twitter-ka ayaa carabka ku dhuftay in uu noqon doono qofka ugu horeeya haddii lasoo saaro sharci faraya musharaxiinta arrinkaas.

"Musharixiinta u tartameysa kursiga ugu sareeya Soomaaliya waa in ay shacabka u bandhigaan hantidooda kahor doorashada iyo qabashada xafiiska si loola xisaabtamo hadii ay ku takri falaan hantida shacabka," ayuu ka dhawaajiyey.

Warsame ayaa ka dhawaajiyey in guddiga maamulaya doorashooyinka heer federaal uu awood u leeyahay in uu ku amro musharaxiinta shaacinta hantidooda qaaska ah balse ay kaliya u baahan tahay in heshiis lagu wada noqdo talaabadaas.

"Laakiin waa in aysan noqon aniga intaas ayaan leeyahay sida dad qaarkii ay horey u sameeyeen. Waa in ay noqotaa mid xaqiiqo ku saleysan oo guddi la isla ogol-yahay uu baaritaan ku sameeyo," ayuu hadalkiisa ku daray siyaasiga.

Kala duwanaanshiyo dhanka maaliyada ah ayaa siyaasiyiinta Soomaalida lagu eedeeyaa marka ay xukunka qabtaan iyo cadadka ay haysteen kahor taasoo sarre u qaada warar la xiriira in ay u adeegidda dadka, dalka iyo diinta dhaqaale ka sameeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo u ogolaatay Itoobiya inay qeyb ka noqoto AUSSOM

Taliyeyaasha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageerto dhismaha awoodaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 07:11PM

Madaxda Sirdoonka iyo Militeriga Itoobiya oo booqday Muqdisho

In kasta oo ciidamada Itoobiya ay muddo dheer joogeen Soomaaliya, heshiiskani wuxuu muujinayaa iskaashi rasmi ah iyo qaab-dhismeed leh.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 12:41PM