Musharaxiinta oo diidey mas'uul cusub oo AU magacowdey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay isla markaana balanqaadey in ay la shaqeynayaan ergayga cusub ee Midowga Afrika soo diray, John Dramani Mahama.

Mahama, madaxweynihii hore ee Ghana, ayaa hogaamin doona kooxda AU-da u qaabilsan arrimaha dhexdhexaadinta wadahadaladda xalka loogu raadinayo khilaafka ragaadiyey geedi-socodka doorashooyinka Soomaaliya.

Balse, sida ku cad qoraal kasoo baxay musharaxiinta, madashu waxay aad uga soo horjeedaa in lataliyaha gaarka ah ee Mahama laga dhigo Babatunde Taiwo, oo hadda ah madaxa siyaasadda howgalka AU-da ee Soomaaliya.

Taiwo oo ay wehliyaan qaar kamid ah hogaanka AMISOM ayay tibaaxeen in ay la safteen dhinac kamid ah darafyada ku hardamaya xiisadda siyaasadeed. Hasa ahaatee, ma aysan soo bandhigin qodobo si gaar ah u taabanaya.

"Iyada oo la xeerinayo ficiladii hore ee Taiwo, golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu si aad uga walaacsan yahay sida uu dhexdhexaad ku noqon karo una fulin karo dalabyaddeena," ayay ku sheegeen warkooda qoraalka ah.

Midowga Afrika ayay si cad uga dalbadeen in uu dib-u-eegis ku sameeyo magacaabidan. Musharaxiinta oo rajeeyay in AU-da aqbali doonto soojeedintooda ayaa hoosta ka xariiqay in aysan marnaba la shaqeyn karin Taiwo.

Kadib eedeymo ka timid mucaaradka Soomaaliya, golaha amniga, nabada iyo siyaasadda Midowga Afrika ayaa bishii hore ku tartarsiiyey hogaanka AMISOM in aysan ku xadgudubin waajibaadkooda nabad-ilaalinta Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM