Musharaxiinta oo shir 3 casho soconaya uga furmay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa maanta waxay Muqdisho ku leeyihiin shir ay uga arrin-sanayaan doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka bilaabatay dalka.

Fadhigan oo uu martigelinayo Hotel Jazeera kaasoo ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho wuxuu imaanayaa xilli xubno ka tirsan musharaxiinta ay walaac ka muujiyeen nooca coddeynta ee bilaabatay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xubin ka ah golahan ayaa warbaahinta wuxuu kaga warbixiyey ajandaha shirka saddex casho soconaya oo maanta musharaxiinta uga bilowday Muqdisho.

"Waxaan maanta u bilawday Midowga Murashaxiinta kulan sedax maalin socon doona. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Ka hor inta uusan soo bixin mowqifka Midowga, waxaan watashi la yeelan doonaa Raysalwasaaraha, madaxda DG, bulshada Rayadka iyo beesha caalamka".

Warsame oo hogaamiya xisbiga Wadajir ayaa kamid ah xubnaha walwal ka ka muujiyey nooca doorasho ee ka bilaabatay Soomaaliya waxaana uu todobaadkii hore toosh ku ifiyey siyaasiyiinta Soomaalida.

Marka laga reebo HirShabelle, afarta maamul kale ee ka jira waddanka ayaa bilaabay xulista Aqalka Sare. Kaliya Puntland ayaa dooratay xubnaha ay Senate-ka ku leedahay, kuwa kale ay xubno u harsan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM