Musharaxiinta oo shir la leh wakiilada Beesha Caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ayaa maanta qaab fogaan arag ah waxay kula shirayaan wakiiladda Beesha Caalamka laba maalmood kahor mudaaharaadka uu mucaaradka qabanqaabiyey ee loo madlan-yahay maalinta Jimcada todobaadkan.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen xubno kamid ah musharaxiinta, kulanka ay la qaadanayaan diblumaasiyiinta xaruntoodu tahay xerada Xalane waxay diiradda ku saari doonan xaaladda dalka gaar ahaan is-faham-waaga ka taagan doorashooyinka heer federaal 2020-21.

Kulankan ayaa kusoo hagaagaya maalmo kadib markii xubno kamid ah Midowga Musharaxiinta gaar ahaan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ay ku tartarsiiyeen daneeyeyaasha caalamka in ay dhexdhexaad ka noqdaan mar-xalada kala guurka.

Dhowr xubno oo kamid ah Midowga musharaxiinta oo si hoose ula hadlay mareegga GO waxay sheegeen in kulankan ay uga faa'iideysan doonan Beesha Caalamka in ay u muujiyaan "in aysan la dhacsaneyn qaabka jilicsanaanta leh oo ay madaxweynaha waqtiga ka dhacay ula macaamilayaan".

"Waxaan la wadaageynaa mowqifkeena la xiriira in aanan aqbali karin in ay nagu dul-haayaan madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaadey, in ahmiyad balaaran ay leedahay in musharaxiinta ay miiska wadahadalka ku biiraan iyo in doorashadda si deg-deg ah loogu dareero," ayay yiri mid kamid ah Musharaxiinta oo sababo jira awadeed uga gaabsaday in la adeegsado magaciisa.

Isaga oo todobaadkan ka hadlayey shir jaraa'id, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula taliyey Wakiilada Beesha Caalamka in ay ula macaamilaan Farmaajo sidda musharaxiinta "maadaama muddo xileedka ka idlaadey".

Todobaadkii hore, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shir jaraa'id ka sheegay in Beesha Caalamka ay muhiim tahay "in aysan waqti badan ku lumin Farmaajo maadaama aysan daacad ka ahayn wadahadal miradhal ah".

Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa tirro laba jeer iska-indhatiray soojeedino ka yimid Midowga Musharaxiinta kuwaas oo kala ahaa; in degaan doorashooyinka hal laga dhigo si xal loo helo iyo baaq kale oo ahaa in la aas-aaso Gole heer Qaran oo KMG ah si heshiiskii 17-ka September loo dhameystiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maamuli Doonta Howlgalka AUSSOM

Moalim ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyay sugida deegaanada muhiimka ah iyo ka saarista khataraha argagixisada.

  • Soomaliya

    28-02-2025

  • 12:07PM

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM