Musharaxnimada Mukhtar Robow oo Go'aan kama dambeys ah laga gaarey

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa Mukhtaar Roobow u ogolaaday inuu kamid noqdo murashaxiinta ku tartamaysa doorashada madaxtinimada 17-ka bishaan November, sida uu ogaaday warsidaha Garowe Online.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey isagu dayday inay Roobow ka hor-istaagto, iyadda oo soo xiganeysa inaanu wali laga qaadin xayiraadda caalamiga ah ee saaran afhayeenkii hore ee Al-Shabaab.

Warar lagu kalsoonan karo uu mareegga GO ka helay xubno ku dhow madaxtooydda Koonfur Galbeed waxay sheegayaan in talaabadani ay ka dambeysay markii Roobow uu la kulmay Madaxwayne Shariif Xasan Aadan.

Shariif iyo Roobow ayaa is-aragooda diiradda ku saaray arrimo ku xeeran doorashada Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, taasi oo ay ku tartamayaan murashaxiin ay labo kamid ah la sheegay in dabada ka riixayso Villa Soomaaliya.

Macluumaadka ayaa intaas ku daraya in Madaxtooyada Federaalka ay balankii uga baxday Mukhtaar Roobow, kaasi oo ahaa inay ku taageeri doonto inuu noqdo Madaxweynaha KG, balse lama ogga waxa dhaliyey isbedalka ku yimid mowqifka madaxda.

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa dadka odorasa siyaasadda waxay tilmaamayaan inay xal u noqon karto khilaafka dowlada dhexe iyo maamulada, waa hadii uu Madaxwayne Shariif dib ugu soo laabto kursiga.

Roobow ayaa kamid ahaa musharixiin Baydhabo Arbacadii lasoo dhaafay kula kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobey iyo Midowga Africa, iyagoo kala hadlay sidii doorashada ay ugu dhici lahayd qaab nabad ah.

Ogolaanshaha la siiyey Roobow ayaa dhabar jab ku ah qoraalkii Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya kasoo baxay bishii lasoo dhaafay, kaasoo ay ku sheegtay in hogamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab doorashaada Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM