Musharixiin Khudbado u jeediyay Baarlamaanka KG iyo Roobow oo liiska laga saarey

Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Saddex kamid ah Musharixiinta doorashadda madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta oo Axad ah jeediyay khudbado, taasi oo ay kusoo bandhigeen nuqul kamid ah Barnaamijyadooda siyaasiga ah.

Hadal-jeedintooda ayay diiradda ku saareen Musharixiinta oo kala ah; Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), Ibraahim Macalin Nuur iyo Xuseen Cismaan Xuseen, dhinacyadda amniga, siyaasadda iyo arrimaha bulshadda.

Nabad-gelyadda magaaladda ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaa lasoo dhigay ciidamo aad u tiro badan dhamaan wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa halka ay ka qabsoontay munaasabadda, taasi oo ay dhinacyo kala duwan soo xaadireen.

Saran-soor ayaa carabka ku dhuftay inuu amniga degaanadda Koonfur Galbeed dib ugu soo celin doono gacanta dowladda, isaga oo ku nuux-nuux saday inay ka go’an tahay abuurista Jawi siyaasad loo dhan yahay.

Nuur ayaa cod dheer ku qeexay inuu ka shaqayn doono sidii goboladda hoos-yimaada maamulkaan oo caan ku ah kheyraadka dhinaca Beeraha iyo wax-soosaarka looga faa’idayn lahaa bulshadda.

Xuseen, taliyihii hore ee Sirdoonka Soomaaliya, ayna tartame taageero ka haysta Villa Soomaaliya, ayaa wacad ku maray inuu xoojin doono wadashayn toos ah oo uu la yeesho mudanayaasha Gollaha Wakiiladda.

Maalinta Berri oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in musharixiinta kale ee harsan oo ah Labo, maadaama Roobow oo saddex ku ahaa uu maxbuus ku yahay Muqdisho, ay dhankooda jeediyaan Khudbadaha, xili 19-ka bishaan ay qabsoomeyso coddeynta.

Guddiga Doorashada KG ayaa liiska musharixiinta ka saarey Roobow, oo ahaa musharixii ugu horeeyay oo labo jeer uu diiwaangeliyay, islamarkaana buuxiyay dhamaan shuruudaha, isagoo bixiyay $20,000.

Xariga Roobow ayaa horseeday dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Baydhabo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 15 qof, oo Xildhibaan uu ku jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM