Musharixiinta KG oo jeedinaya khudbado xili xiisad ay ka jirto Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Musharixiinta isku soo taagtay doorashada madaxtinimo ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inay jeediyaan khudbadahooda Axada illaa iyo Isniinta, sida ku cad Jadwalka cusub ee uu Guddigu soo saarey.

Lix musharax ayaa si rasmi ah ugu loolami doonto coddeynta loo loo mudeeyay inay qabsoonto 5-ta bisha December ee sanadkaan 2018, markaasi oo lagu wado in maamulkaan uu yeesho hogaamiye cusub.

Khudbadaha waxay ka horjeedin doonan tartamayaasha mudanayaasha Gollaha Wakiiladda dowlad goboleedkaan, kuwaasi dooran doona xiliga codbixinta murashaxii ay u arkaa inuu wax qabad leeyahay.

Sida laga soo xigtay dadka sida dhow ula socda arrimaha Koonfur Galbeed, musharixiinta ayaa la rajaynayaa inay diirada ku saaraa qodobadooda amniga, siyaasada, dhaqaalaha iyo horumarinta degaanka.

Hadal-jeedinta ayaa waxay kusoo aadeysaa xili uu jiro dareen xasilooni daro iyo cabsi xoogan, taasi oo ka dambeysay markii ay dowladdu ka dejisay Baydhabo diyaarad siday in ka badan 100 ciidan oo Boolis ah.

Ciidamadda oo la sheegay inay sugaan nabad-gelyadda ayaa qaylo-dhaan xoogan kasoo saarey Xilldhibaano heer Federaal iyo dowlad goboleed, iyaga oo ku eedeeyay dowlada inay abuureyso xaalad aan loo baahneen.

Mudanayaasha ayaa ku doodaya in dowladdu isku dayso sidii ay afduuban lahayd doorashadda, iyaga oo ka digay dhibaato ay sameeyaan ciidamada, kuwaasi oo la tilmaamay inay yihiin askar dhowaan tababar loosoo xiray.

Waxaa dhanka kale lagu soo waramayaa inay Baydhabo ka jirto xiisad ka dhalatay ciidamo cusub oo shalay dowladda Federaalka geysay magaalada, iyadoo Xildhibaano katirsan Gollaha Shacabka ay tallaabadan ku tilmaameen mid ay Villa Somalia ku doonayso inay ku afduubto doorashada 5ta December. [Halkan ka akhri warka]

Villa Soomaaliya oo madaxwaynihii is-casilay Shariif Xasan Aadan, ka saxiixatay inay maamusho doorashada ayaa faragelin ku haysa doorashada, taasi oo ay dooneyso inuu kusoo baxo murashax ku feker ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM