Musharixiinta KG oo la diiwaangelinayo iyo cabsi jirta

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Guddiga Doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta oo Axad ah billaabaya diiwaangelinta musharixiinta isku soo taagey inay ka qeyb-galaan tartanka xilka Madaxweynaha.

Howsha diiwaangelinta ayaa socon doonta illaa maalinta berri ah, waxaana xigi doonta dhageysiga khudbadaha musharixiinta buuxiya dhamaan shuruudaha, iyadoo hadal-jeedinta oo ka dhacaysa Baarlamaanka loo balansan yahay 2da illa 3da December.

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa labo jiir dib u dhac ku yimid xilli ay jirto walaac laga qabo inay si xor iyo cadaalad ah u dhaco, maadaama ay jiraan faragelin iyo cod-iibsasho lagu eedeeyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay ku hayso.

Waxa kaloo shacabka Baydhabo iyo siyaasiyiinta degaanada Koonfur Galbeed ay qabaan cabsi badan, oo ku aadan inuu dagaal ka dhaco Konfur Galbeed hadii aysan u dhicin codbixinta qaab hufan, oo aan faragelin lahayn.

Musharixiinta waxaa ku jira kuwa la sheegay inay Xukuumadda Soomaaliya taageerayso, kuwaasoo Baydhabo la tagey hub, ciidan iyo lacago malaayiin dollar ah, oo loogu tala-galay inay ku iibsadaan codadka Xildhibaanada dooranaya Madaxweynaha KG.

Villa Somalia ayaa la rumeysan yahay inay doonayso in Mukhtaar Roobow laga reebo doorashada KG, iyadoo goor sii horeysay ay soo saartay Wasaaradda amniga qoraal hogaamiye ku xigeenkiii hore ee Al-Shabaab uga hor istaagtay inuu ka qeybgalo tartanka.

Shaxda Doorashada KG:

GAROWE ONLINE

 

 

 

 

 

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM