Muudey iyo Cawad oo soo saarey qodobo lagu go’doominayo Mursal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku xigeenadda Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saarey qodobo dhowr ah, kuwaasi oo umuuqda in lagu go’doominayo Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Cabdiwali Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad ayaa bayaan ay soo saareen waxay si wadajir ah ugu dhawaaqeen inaanu aqoon-saneen Guddigii uu howlahooda dib ugu soo celiyay Mursal.

Guddigaan oo uu horey u kala diray Muudey ayaa la rumeysan yahay inay tahay meesha ay ka bilaabatay xiisaddani, taasi oo dhalisay inay isku dhaceen Mursal iyo madaxda ugu sareysa ee wadanka.

Labadaan masuul ayaa sidoo kale uga digay shaqaalaha Gollaha Wakiilada rayidka inay qayb ka noqdaan khilaafka soo kala dhex-galay Gudoonka, iyaga oo ku tartarsiiyay inay dhex ka noqdaan arrimaha jira.

Xilldhibaanadda ku kala ragtiyaha Mooshinka ayay si cad usheegeen inaanu marnaba shirar ku qabsan karin howlka shirarka ee Guddiyada joogtadda ah ee Gollaha inta xalka la dhameynayo xiisaddani.

Miisaaniyadda Gollaha ayay ku baaqeen in loo adeegsado sida waafaqsan qaabkii loo dejiyay, iyaga oo ka digay inay lagu tagrifalo, waxayna soo jeediyeen in la sameeyo Guddi gaar ah oo arrimaha Miisaaniyadda ka shaqeeya.

Ugu dambeyntii, waxay shaaciyeen inay diyaar uyihiin in laga heshiiyo dhismaha Guddigaan, kaasi oo shaqayn doonta inta uu taagan yahay khilaafkaan oo laga cabsi qabo inuu noqdo mid muddo jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM