Muudey iyo Cawad oo soo saarey qodobo lagu go’doominayo Mursal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku xigeenadda Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saarey qodobo dhowr ah, kuwaasi oo umuuqda in lagu go’doominayo Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Cabdiwali Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad ayaa bayaan ay soo saareen waxay si wadajir ah ugu dhawaaqeen inaanu aqoon-saneen Guddigii uu howlahooda dib ugu soo celiyay Mursal.

Guddigaan oo uu horey u kala diray Muudey ayaa la rumeysan yahay inay tahay meesha ay ka bilaabatay xiisaddani, taasi oo dhalisay inay isku dhaceen Mursal iyo madaxda ugu sareysa ee wadanka.

Labadaan masuul ayaa sidoo kale uga digay shaqaalaha Gollaha Wakiilada rayidka inay qayb ka noqdaan khilaafka soo kala dhex-galay Gudoonka, iyaga oo ku tartarsiiyay inay dhex ka noqdaan arrimaha jira.

Xilldhibaanadda ku kala ragtiyaha Mooshinka ayay si cad usheegeen inaanu marnaba shirar ku qabsan karin howlka shirarka ee Guddiyada joogtadda ah ee Gollaha inta xalka la dhameynayo xiisaddani.

Miisaaniyadda Gollaha ayay ku baaqeen in loo adeegsado sida waafaqsan qaabkii loo dejiyay, iyaga oo ka digay inay lagu tagrifalo, waxayna soo jeediyeen in la sameeyo Guddi gaar ah oo arrimaha Miisaaniyadda ka shaqeeya.

Ugu dambeyntii, waxay shaaciyeen inay diyaar uyihiin in laga heshiiyo dhismaha Guddigaan, kaasi oo shaqayn doonta inta uu taagan yahay khilaafkaan oo laga cabsi qabo inuu noqdo mid muddo jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM