Muudey iyo Xuseen Carab Ciise oo isku qabtey masiirka Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa isku qabtey kulankii maanta oo warbixin looga dhageystay guddiga dastuurka.

Muudey oo hadal-jeedinta ku hormaray ayaa sheegay in dastuurka ay ka maqan tahay qeyb muhiim ah oo ah Somaliland, isagoo ku baaqey in guddiga dastuurka ee labada golle ee BFS uu kusoo daro arintan.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa carabka ku adkeeyay in dastuurka qabya-tirkiisa socoto uusan noqon doonin dastuur wanaagsan inta ay Somaliland maqan tahay, oo lagu soo koobayo Koonfurta dalka.

Isagoo hadalkan ka jawaabeyay, Xildhibaanada Xuseen Carab ayaa sheegay in Muudey uusan xaq u lahayn inuu ka hadlo masiirka iyo arrimaha dastuuriga ee la xariira arrimaha Somaliland.

Wuxuu kaloo xusay in ay ku jiraan Gollaha Shacabka Xildhibaanno ku matalaya Somaliland kuwaasoo uu tilmaamay in hadii aan lagala yashan arrimaha gobollada waqooyi ay isaga bixi doonaan dowladda Federaalka.

Xildhibaanka ayaa xusay in muhiim ay tahay in wadahadalada Somaliland iyo dowladda Federaalka in lahor keeno Gollaha Shacabka oo looga doodo, isagoo intaasi ku daray in Xildhibaanada waqooyiga mar walba lala baal-maro arrimaha Somaliland, oo dad kale uga horeeyaan.

Ugu dambeyn, Xuseen Carab Ciise oo katirsan Guddiga difaaca Gollaha Shacabka ayaa cod dheer ku sheegay in siyaasiyiinta Somaliland kasoo jeeda ay ka bixi doonaan Baarlamaanka, Xukuumadda iyo hay'adaha kale ee dowladda, hadii aan arrimaha khuseeya aan lagala tashan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM