Muxuu Gorod kala hadlay Taliyaha Ciidamada Uganda?

Image

KAMPALA, Uganda - Taliyaha ciidamadda xooga dalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdiweli Jamaac Xuseen [Gorod] oo booqasho ku jooga dalka Uganda ayaa wuxuu kula kulmay Kampala dhigiisa wadankaas Janaraal David Muhoozi.

Labadda taliye ayaa waxay si qoto dheer ay uga wada hadleen xaaladda dalka Soomaaliya, gaara ahaan howlgalka AMISOM, oo Uganda ay kamid tahay dalalka ugu badan ee ciidamada ku leh.

Macluumaadka laga helayo kulankooda ayaa waxay tilmaamayaan inay isla soo qaadeen qorshaha ka bixitaanka AMISOM iyo dhismaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya, ee mas'uuliyadda amniga lagu wareejinayo 2020.

David Muhoozi ayaa bogaadiyay qorshaha ay wado dowladda Soomaaliya ee ay ku dhiseyso ciidamo xoog leh, oo awood u leh inay buuxiyaan booska AMISOM iyo goobaha ay dalka ka joogaan.

"Waxaan ku qanacsanahay dadaalada lagu doonayo in lagu xasiliyo amaanka guud ee gobolka Geeska Africa, oo ay Soomaaliya ku jirto," ayuu Taliye David Muhoozi ka yiri kulanka dhexmaray isaga iyo Gorod.

Dhinaciisa, Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya, Cabdiweli Jamaac [Gorod] ayaa uga mahad-celiyay dowladda Uganda iyo Shacabkeeda dadaalada ay ku bixinayaan soo celinta xasiloonida iyo nabada Soomaaliya.

Dalka Uganda ayaa wuxuu ku leeyahay Howlgalka AMISOM, in ka badan 6,000 askar, kuwaasoo jooga gudaha Soomaaliya, waxaana uu kamid yahay dalalkii ugu horeeyay ee lagu bilaabay howlgalkaan 10 sano kahor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM