Muxuu Khayre kala hadlay Madaxweynaha Suudaan?

Image

KHARTOUM - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo safar shaqo ku jooga Magaaladda Khartuum ee caasimada dalka Suudaan ayaa wuxuu la kulmay Madaxweynaha dalkaas Cumar Al-Bashiir.

Kulanka labadda masuul oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee dowladda Suudaan ayaa diiradda lagu saarey arrimo ay kamid tahay amaanka, xiriirka labadda dal iyo qodobo kale.

Khayre oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu la yeeshay Al-Bashiir kulan wax ku ool ah, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay inuu sii jiro xiriirka labada dhinac.

"Waxaan kulan wax ku ool ah oo aan kaga hadalnay qodobo muhiim u ah labadda dowladood iyo shacabkooda la yeeshay Madaxwaynaha Suudaan, mudane Cumar Al-Bashiir," ayuu yiri Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya.

Khayre ayaa wuxuu utegay dalka Suudaan ka qaybgalka munaasabad, taasoo ay heshiis kuwada saxiixanaya dowladda iyo mucaaradka dalka Suudaanta Koonfureed, kuwaasoo muddo colaado ka dhaxeysay.

Wafdiga Khayre oo ka koobnaa Xilldhibaanno iyo Wasiiro ayaa waxaa lagu wadaa inay soo gabagabeeyay safarkooda Suudaan, iyaga oo kusoo wajahan Magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Waa boqashadii ugu horeysay oo uu Ra'iisul Wasaare Khayre ku tago dalka Suudaan inta uu xafiiska hayo, inkasta oo safarkaan marka hore ku qornaa Farmaajo, hadana sababo aan la shaacin ayuu uga baaqday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM