Muxuu ku dhammaaday kulankii Gaas iyo guddigii ka yimid Qarxis?

Image

July 5, 2015 (GO)-  Madaxtooyada Puntland ee Garowe waxaa ku kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo guddi dhex-dhexaadin ah oo loo xil saaray xallinta xiisadda Qarxis.

Guddiga oo lix xubnood ka koobnaa waxay Madaxweynaha kala hadleen sidii xiisadda jirta wadahadal loogu soo afjari lahaa islamarkaana loo kala qaadi lahaa ciidamada isku hor fadhiya deegaanka Qarxis.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in kulankaasi natiijo la'aan kusoo idlaadeen, kadib markii Madaxweynaha iyo Guddiga Dhex-dhexaadintu qodobada qaar isku fahmi waayeen.

Wararka Garowe Online heleyso ayaa tibaaxaya in Cabdiweli Gaas ku adkeystey in haba yareetee uusan wax wada-xaajood ah la geli doonin saraakiisha gadoodsan, isagoo ku wargeliyey xubnaha guddiga in sida keliya ee xal lagu gaari karaa ay tahay in Gen. Muxiyadiin iyo Cabdi-yare dowladda isu soo dhiibaan soona wareejiyaan hubka iyo ciidamada ay wataan.

Xubnaha guddiga ayaa kadib markii ay la kulmeen Madaxweynaha waxay wada-tashi ugu noqdeen waxgaradka iyo Isimada ku sugan deegaanka Qarxis.

Odayaasha iyo waxgaradka ayaa isku raacay in howsha dhex-dhexaadinta si buuxda loogu wareejiyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo isagu markii hore dadaallada nabadeytna qayb ka ahaa balse aan xubin ka ahayn guddigii la kulmey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Deegaanka Qarxis waxaa labadii todobaad ee u dambeeyey isku hor fadhiyey ciidamo dowladda ka tirsan iyo ciidan kale oo gadoodsan uuna hoggaaminayo taliye ku-xigeenkii hore ee booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse oo ay weheliyaan saraakiil uu kamid yahay taliyhiii hore ee ciidamada sirdoonka Puntland Cabdi-Yare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM