Muxuu salka ku hayaa gadoodka hogaanka HirShabelle?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tafaasiil ayaa laga helay go'aanka hogaanka maamulka HirShabelle ku qaadacay shir-madaxeedka arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho kaasoo lagu wadday in uu Axada maanta ah ka bilowdo magaala madaxda.

Sida uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, madaxwayne Cali Guudlaawe ayaa ku andacoonaya in uusan goobjoog ka ahayn madashii lagu go’aamiyey taariikhda kulanka.

Hase ahaatee, cudurdaarkaas ayaa dib ugu laabanaya Guudlaawe kaasoo Khadka isgaarsiinta uu ka go’ay intii uu socday shirkii ay hogaamiyeyaasha Soomaalida aalada fogaan aragga ee Zoom-ka ay yeesheen habeenka 21-kii June.

"Guudlaawe wuxuu kulanka ka qeybgalayey isaga oo jooga Turkiga saaranna baabuur. Hase ahaatee, waxaa mar qura la waayey isgaarsiintiisa," ayay Garowe Online u sheegeen dhowr illo wareedyo oo si dhow ula socda xaaladahan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Guudlaawe uu sidoo kale diidmadiisa u cuskanayo "xadgudubyo dhanka hab-maamuuska ah" oo lagu sameeyay intii ay socdeen wadahahadalada arrimaha doorashooyinka ee caasimadda ku qabsoomay.

Inkasta oo sababtan darteeda uu dib ugu dhacay shirkii lagu wadday inuu maanta furmo, haddana fahfaahinada waxay tibaaxayaan in ay socdaan dedaalo lagu doonayo in Guudlaawe dib loogu soo celiyo gogosha taala caasimada Soomaaliya.

Kulankan ayaa muhiim u ah in doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda ay ka qabsoonto Soomaaliya. Si lamid ah, wuxuu bud-dhig u yahay soo afjarida caqabado xal ka dambeys ah u baahan oo qeyb ka ah dib-u-dhaca qabsoomida coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM