Muxuu salka ku hayaa safarka Farmaajo ee Turkiga?

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah u ambabaxay dalka Turkiga, kadib markii uu casuumaad ka helay Erdogan.

Wasiiro uu kamid yahay midka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo Xildhibaano ayaa ku wehliya Madaxweyne Farmaajo Booqashadiisa dalka Turkiga oo qaadan doonto 3 maalmood.

Madaxaweynaha ayaa kula kulmi doono Ankara dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, oo ay kawada hadli doonaan xiriirka labad dowladood, amniga iyo taageerada Turkiga ee abaarta ka jirta Somalia.

Muhiimadda ugu weyn ee socdaalkiisa ayaa ah in Labada Madaxweyne kala saxiixdaan hishiiyo kala duwan oo isugu jira maalgashi iyo xiriirka labada dhinac.

Sida uu sheegay wasiir Yuusuf Garaad oo warbaahinta kula hadlayay Muqdishu safarka ka hor Madaxweynaha ayaa dalkaas inta uu joogo qalinka ku duugi doona hishiisyo kala duwan oo isugu jira, kuwo cusub, qaar qabyo ahaa iyo kuwo kale oo laga wada hadli doono.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Turkiga waxa uu noqonayaa midkii 5-aad, oo dalka dibadiisa uu ku aado tan iyo markii uu la wareegay xafiiska Villa Somalia bishii February.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Farmaajo uu sidoo kale ka qeybgali doono Shir looga hadlayo arrimaha Beeraha qaarada Africa, oo ay soo qaban-qaabisay dowladda Turkiga.

Booqashada Farmaajo waxay kusoo aadaysaa 9 maalmood kadib markii Xisbiga talada haya ee Madaxweyne Erdogan uu ku guuleystay afti ay dadka Turkiga ku siiyeen awoodo dheeraad ah.

Dowladda Turkiga ayaa maalmo kahor shaacisay in 10 Milyan oo Doolar ku kabayso Miisaaniyadda dowladda Federaalka Somalia, ee uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM