Muxuu salka ku hayaa safarka Khayre ee magaalada Baydhabo?

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Ra'isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo booqasho ku tagey xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa safarkiisa Baydhabo iyo saameynta siyaasdeed uu leeyahay warsidaha Garowe Online isku dayey inuu wax ka ogaado.

Sida aan la wada socono waxaa muddooyinkii dambe aad u xumaa xiriirka siyaasdeed ee u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan, kadib Khilaafkii Khaliijka kasoo gaarey heer dowlada Federaalka Soomaaliya ka shaqeyso sidii mooshin ka dhan ah Shariif Xasan looga keeni lahaa iyadoo dabada ka riixeysa siyaasiyiin kasoo jeeda gobolkaas.

Tan iyo intii uu dhamaadey kulankii magaalada Muqdisho isugu yimadeen madaxda maamulada iyo dowlada Federaalka waxaa jira isu soo dhowaansho dhexmarey Villa Soomaaliya iyo Baydhabo kasoo ku saleysan heshiis lagu gaarey iskaashi siyaasadeed oo dhexmara labada dhinac sida lagu ogaadey kulamo caasimada Soomaaliya ka dhacey kulamadii maamul goboleeyada kadib.

Maxay tahay danta siyasadeed ee ugu jirta labada dhinac booqashadan?

Madaxweyne Shariif Xasan oo siyaasada ku dhex jirey inta badan burburkii ka dhacey Soomaaliya ayaa muhiimada ugu jirta booqashada Ra'isal wasaare Khayre tahay sidii dhinacyada siyaasiyin kasoo horjeeda ugu muujin lahaa in ay dhamaatey diidamdii Villa Soomaaliya ku haysay maamulkiisa halka dhinaca kale uu iibinayo in Xasan Cali Khayre ka caawini doono in kacdoonka Muqdisho kaga socda uusan helin tageero badan, ugu yaraan ka shaqeeyo sidii xildhibaanada kasoo jeeda gobolada hoos taga Koonfur Galbeed aysan ugu biirin dhaqdhaqaaqan siyasadeed.

Khayre oo xafiiskisa kulan kula qaatey xubno uu bartiisa Twitter-ka ku sheegey siyaasiyiin

Ra'isal wasaare Khayre oo asbuucyadii lasoo dhaafey dhaqdhaqaaqyo siyaasdeed uu ku kasbanayo xildhibaano iyo siyaasiyiin ka wadey magaalada Muqdisho ayaa sida warsidaha Garowe Online ogaadey lacag ku bixiyey sidii loo dajin lahaa xiisad siyaasadeed ee u dhexeysay Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Barlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo mudanayaal ka gudbiyey mooshin ay damacsanayeen in xilka looga qaado.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa GO u sheegay in Mooshinkan ka dhanka ah Jawaari ay dabada ka riixayeen Agaasiimaha Guud ee Villa Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamad, kuwaasi oo culeys ku saaraya Gudoomiyaha inuu ogolaado in Gollaha Shacabka la horgeeyo Mooshin ka dhan ah Ra'iisul Wasaare Khayre.

Ka hortaga barnaamijkan uu ku sameeyey Ra'isal wasaare Khayre ayaa waxaa sabab u ahaa khilaaf qarsoon oo wayadaan dambe u dhexeeyey shaqsiyaadka ugu tunka weyn Villa Soomaaliya iyo Wasiirka Kowaad ee Soomaaliya.

"Barnaamijka ugu weyn ee Ra'isal wasaare Khayre ka shaqeynayey maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxuu ahaa sidii kalsooni uu uga heli lahaa xildhibanada labada aqal iyo bulshada inteeda kale isagoo ka warqaba inuu jiro qorshe xubnaha ugu tunka weyn villa Soomaaliya damacsan yihiin in xilka kaga tuuraan." sidaas waxaa Garowe Online u sheegey siyaasi ku sugan magaalada Muqdisho oo magaciisa ka gaabsadey in aan xusno.

Dhinaca kale, wararka aan ka helayno xubno ku dhow xafiiska Ra'iisal wasaaraha ayaa sheegaya in uusan wanaagsaneyn xiriirka u dhexeeya Guddomiyaha gobolka Banaadir iyo Ra'isal wasaare Khayre.

Thaabat oo aad ugu dhow Fahad Yaasiin ayaa warar lagu kalsoon yahay sheegayaan inuu musharax u yahay xilka Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya hadii Xasan Khayre meesha ka baxo.

Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay in awood badan ku leeyahay dowlada Madaxweyne Farmaajo islamarkaana ka dambeeyey magacabista Xasan Cali Khayre ayaa sida warsidaha GO ogaadey, aaminsan hadii mucaraadada siyaasadeed ee ku wajahan Villa Soomaaliya sii kororto kula gorgortamo kooxaha kasoo horjeeda inuu tageero mooshin xilka looga qaadayo Ra'iisal wasaaraha. 

Booqashada Ra'iisal wasaare Khayre ayaa ku soo beegantey dhinaca kale xilli Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo dib uga soo noqdey safar uu ku tagey dalka Imaraadka Carabta.

Mudane Farmaajo oo aan saxaafada si furan ugu waramin wali waxyaabihii uu kala soo kulmay Madaxda wadanka Imaaradka Carabta ayaa xafiiskiisa Warfaafinta u qaybiyey warbaahinta gudaha dalka Warsaxafadeed qoraal ah oo aad loogu fahfaahin waxyaabaha kasoo baxay Kulamada Madaxweynaha lasoo yeeshay Amiirada Imaaraadka. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa culeys siyasadeed ka haysta sidii uu ka yeeli lahaa saameynta Fahad Yaasiin ku leeyahay Madaxtooyada Soomaaliya iyo siyaasada dalka, iyadoo Fahad cabasho badan ka keeneen dalalka xiriirka la leh Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo Jarmalka kula heshiiyay tarxiilka Soomaalida

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ogolaaday in Jarmalka laga soo musaafuriyo dadka Soomaaliyeed ee daganaanshiyaha haysan.

  • Soomaliya

    06-11-2024

  • 02:25AM

Wasiirka Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya oo su'aallo la waydiiyay

Su'aallaha ayaa ku saabsanaa Shaqada Wasaaradda iyo howlaha baaxadda lah ee horyaalla.

  • Soomaliya

    05-11-2024

  • 04:51PM