Nabadoon caan ah oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose

Image

AFGOOYE, Koonfur Galbeed – Dabley aan heybtooda la aqoonsan ayaa waxay xalay ay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen nabdoon caan ka ahaa halkaas, sida ay soo wariyeen dadka degaanka.

Marxuum Axmed Maxamed Mayow ayaa la sheegay in lagu toogtay nawaaxiga hoygiisa. Gacan-ku-dhiigleyaasha waxaa la wariyey in ay ka baxsadeen meesha ay wax ka dhaceen kahor inta aysan soo gaarin ciidanka amniga.

Maamulka degmada Afgooye oo cambaareeyay falkaas ayaa ku eedeeyay maleyshiyadda Al-Shabaab oo dhankeeda aan wali ka hadlin.

"Nabdoon Mayow wuxuu kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee doorka muhiimka ah ka cayaara amniga iyo nabadda degmada Afgooye. Waxaa dilay sidda aan fahansanahay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab," ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay maamulka degmadda Afgooye.

Saraakiisha ammaanka ayaa intaas ku daray in ay sameynayaan baaritaan ku saabsan falkaan, iyaga oo wacad ku maray in ay soo qaban doonan kooxihii ka dambeeyay falkaas aysan cid si rasmi ah dusha u saaran mas'uuliyadiisa.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa horey waxay siyaabo kala duwan u sheegteen falal khaarijin ah oo ka dhacay degmadda Afgooye oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfur Galbeed aadan magaala madaxda wadanka Soomaaliya ee Muqdisho.

Odayaasha dhaqanka iyo nabadoonada ayaa aad loo beegsadaa gudaha Soomaaliya marka lasoo gaaro mar-xaladda kala guurka soona dhawaato doorashooyinka. Hasa ahaatee, si dhab ah looga oga sababta loo beegsanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Daacish kala wareegay Saldhigyo Muhiim ah

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan sidii ay uga cirib tiri lahaayeen kooxaha argagixisada gobolka Bari.

  • Soomaliya

    25-02-2025

  • 10:33AM

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM