Nabadoon caan ahaa oo Beledweyne lagu diley

Image

June 22, 2015 (GO)- Nabadoon caan ahaa ayaa caawa lagu diley degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jirey Xasan Aadan Deeqow (Xasan Oog) waxaa la toogtey salaaddii maqribka kadib isaga oo sii gelaya gurigiisa.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa Garowe Online u sheegay in dilka ay fuliyeen labo nin oo wejiga soo duubtey islamarkaana bistoolado ku hubeysnaa.

Dableyda dilka fulisey oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa duribadiiba goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka ayaa daqiiqado kaddib goobta soo gaarey, waxayna sameeyeen baaritaan muddo kooban socdey, balse ilaa iyo hadda falkaas cid looma soo qaban.

Nabadoon Xasan Oog ayaa noqonaya nabadoonkii labaad ee bishan Ramadaan gudaheeda magaalada Beledweyn lagu diley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM