Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay Afgooye iyo sababta dilkiisa oo la ogaadey

Image

AFGOYE, Somalia - Dabley hubeysan ayaa Afgooye, ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dishay nabadoon Soomaaliyeed, oo si weyn looga yaqaaney gudaha degmadaasi.

Koox bastoolado ku hubeysan ayaa Allah ha u naxariistee Nabadoonka oo lagu magacaabi jirey Xayeesi Mursal Abiikar ku dishay xalay xaafadda Godey, kuwaasoo goobta uga baxsaday Mooto, sida Goobjooge u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online.

Nabdoonka ayaa kamid ahaa Ergadii doorashadda ee ka qeyb-qaatey hanaankii lagu soo xulay dhamaadkii 2016 illaa billowgii 2017 Xildhibaanadda kasoo baarlamanka hadda shaqeeya dhinaca Koonfur Galbeed.

Sababta loo dilay Odayga ayaa waxaa lagu sheegay inay la xiriirto ka qeyb-galkiisa doorashadda, iyadoo horey ugu hanjabtay dil dhaman dadkii ka qeyb-qaatey doorashadii Xildhibaanadda,

Dilka AUN Xayeesi Mursal ayaa noqonaya midkii 2aad oo mudo 24 saac gudahooda ka dhaca degmada Afgooye, oo qiyaastii 30-KM dhanka waqooyi galbeed uga beegan Muqdisho.

Amniga degmada ayaa mudo sanado ah ahaa mid cago badan ku taagnayn, oo ay ka dhacayaan dilal iyo weeraro joogto ah, iyadoo ay ku sugan yihiin ciidamo isagu jira boolis, Nabad Sugid iyo Militeri katirsan dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM