Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay Qoryoolay

Image

QORYOLEY, Somalia - Kooxo hubaysan oo loo malaynayo inay katirsanyihiin Al shabaab, ayaa xalay degmada Qoryooley ku dilay Nabdoon caan ah, oo lagu magacaabi jiray Xaaji Xasan Madaxgaduud.

Goobjooge ayaa GO u xaqiijiyay in labo dhalinyaro ah oo ku hubaysanaa Bastoolado Nabadoonka ay dileen xilli uu kasoo baxay Masjidka Jaamaca ee degmada, kadib markuu soo gutay salaadda maqrib.

Lama oga sababta loo dilay iyo cida dishay Nabadoon Xaaji Xasan Madaxgaduud, oo kamid ahaa oday dhaqameed si aad ah looga yaqaaney gobolka Shabeellaha hoose.

Taliyaha Booliska degmada Qoryooleey Cabdulqaadir Maxamed Cali ayaa tilmaamay inay sameeyeen saaka howlgal amniga iyo baaritaanno la xiriira dilka Nabadoonka.

Amniga Qoryooley ayaa ah mid aad u liita, waxaana inta badan ay weeraro iyo dila ka gaysta mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab iyadoo ay joogaan ciidamada AMISOM kuwaasoo muddooyinkii dambe lagu dhaliilayay wax-qabad la’aan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM