Nabadoon caan ahaa oo magaalada Kismaayo lagu diley

Image

May 21, 2015 (GO)- Nabadoon Maxamuud Xasan Dhogor oo kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee soo xulay baarlamaanka Jubaland ayaa saaka magaalada Kismaayo lagu diley.

Labo nin wejiga soo duubtey kuna hubeysnaa bistoolado ayaa lagu soo warramayaa inay nabadoonka dhowr xabadood madaxa uga dhufteen xilli uu marayey agagaarka halka loo yaqaano Aargada oo ka tirsan xaafadda Farjanno.

Dableyda oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan waxaa u suurtagashay inay durbadiiba goobta ka baxsadaan.

Ciidamada ammaanka Jubaland ayaa goobta soo gaarey daqiiqado kadib, waxayna sameeyeen baaritaan muddo kooban socdey inakstoo ilaa hadda falkaas aan cid loo soo qaban.

Nabadoon Dhogor ayaa kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee caanka ah sida weynna looga tixgelin jirey guud ahaan gobollada Jubbooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM