Nabadoon caan ahaa oo magaalada Kismaayo lagu diley

Image

May 21, 2015 (GO)- Nabadoon Maxamuud Xasan Dhogor oo kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee soo xulay baarlamaanka Jubaland ayaa saaka magaalada Kismaayo lagu diley.

Labo nin wejiga soo duubtey kuna hubeysnaa bistoolado ayaa lagu soo warramayaa inay nabadoonka dhowr xabadood madaxa uga dhufteen xilli uu marayey agagaarka halka loo yaqaano Aargada oo ka tirsan xaafadda Farjanno.

Dableyda oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan waxaa u suurtagashay inay durbadiiba goobta ka baxsadaan.

Ciidamada ammaanka Jubaland ayaa goobta soo gaarey daqiiqado kadib, waxayna sameeyeen baaritaan muddo kooban socdey inakstoo ilaa hadda falkaas aan cid loo soo qaban.

Nabadoon Dhogor ayaa kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee caanka ah sida weynna looga tixgelin jirey guud ahaan gobollada Jubbooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM