Nicholas Haysom oo jago cusub loo magacaabay

Image

WASHINGTON, US – Ergaygii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya ee dowladda federaalka dalka ka eriday bilowgii 2019-kii, Nicholas Fink Haysom, ayaa xil cusub loo magacaabay, sidda uu wariyey Africa News.

Boggan oo soo xigtay diblumaasiyiin uusan magacaabin ayaa sheegay in Haysom oo kasoo jeeda Koonfur Afrika loo xushay in uu madax ka noqdo howlgalka Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ee Suudaanta Koonfureed.

Haysom oo dhashay sanadka markii uu ahaa 1952 ahna 69-sano jir ayaa wuxuu bedelayaa David Shearer kaasoo u dhashay New Zealand.

Xilli dowladda Soomaaliya ay eriyidiisa u cuskatay "faragelinta" arrimaha gudaha dalka, Haysom ayaa horey uga shaqeeyay labada Suudaan.

Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ah kan ugu kharashka badan dhamaan howlgalada lamidka ah ee haatan ka socda dalka. Miisaaniyada ku baxda waxaa lagu sheegay hal bilyan iyo 17-kun oo askari ah.

Sidda ay warbixinadda sheegayaan, waxaa jira talooyin la xiriira in hoos loo dhigo askarta isla markaana la gaarsiiyo 15-kun oo nabad ilaalin ah.

Suudaanta Koonfureed ayaa waxaa joogto ka ah rabshaha salka ku haya loolanka qabiilada kuwaas oo dib-u-dhigay horumarka dowladnimo, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyada ee xisbiyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM