Nicholas Haysom oo ka hadlay Khilaafka DF iyo Maamullada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Nicholas Haysom, wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey usoo magacawdey Soomaaliya ayaa ka hadlay markii ugu horeysay khilaafka ka dhaxeeya dowlad federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Is-marin-waagaan ayaa sababey in dowlad goboleedyadda ay xiriirka ujaraan dowladda Federaalka xili ay qiil kaga dhigeen inay ku fashilantey fulinta heshiisyo ay horey ula galeen iyo farogelin ay iyaga ku hayso.

Khilaafkani siyaasadeed ayuu tibaaxay Haysom oo la hadlay warbaahinta UN-ka inay qayb ka tahay xasilooni daro baahsan oo uu tilmaamay inay qayb ka tahay caqabadaha hortaagan in dowladnimada dalka ay hagaagto.

"Hagaag. Soomaali waxay wajaheysaa caqabado kala duwan oo dhowr ah, kuwaasi oo hortaagan in helo tiirarka saxda ah ee dowladnimadda. Waxaan kamid ah, in heshiis laga gaaro saxiixida Dastuurka cusub, doorashooyinka hufan iyo xaalada hadda taagan ee udhaxeysa dowladda iyo dowladaha xubinta ka ah, kuwaasi oo doonaya inay sameystaan dowlad Federaal ah," ayuu yiri Nicholas Haysom.

Nicholas Haysom ayaa bedalaya Micheal Keating, kaasi oo mudadda xileedkiisu ku egyahay 1-da bisha October ee sanadkaan, waxaana la filayaa in xarunta UN-ka ee magaalada Muqdisho ay ka qabsoonto munaasabad ay xilka ku kala wareegayaan.

Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey uqaabilsan arrimaha Soomaaliya oo ah qareen iyo shaqsi u olaleeya arrimaha Dimuqraadiyadda, kaasi oo udhashay dalka South Afrika ayaa horey uga soo shaqeeyay dalalka Afghanistan iyo South Sudan, kuwaasi oo ay ka jiraan colaado tobanaan sano socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM