Nicholas Haysom oo soo gaarey Muqdisho [Sawirro]

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiilka cusub ee Qaramadda Midoobay usoo magacowday dalka Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu kasoo degay madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde, ee Muqdisho.

Haysom ayaa waxaa garoonka diyaaradaha si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo midka Qaramadda Midoobay.

Madaxda ka socotay dowladda Soomaaliya ee kasoo qaybgashay waxaa kamid ah, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo xubno ka socdey Madaxtooyadda.

Haysom oo markii uu soo gaarey garoonka si kooban ula hadlay warbaahinta UN-ka wuxuu carabka ku dhuftey inuu ku farax-san yahay imaaniyashiisa magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

"Waxay ii tahay sharaf iyo karaamo inaan halkaan [Soomaaliya] imaado," ayaa kamid ahaa hadaladii uu u sheegay warbaahinta isla markiiba oo uu kasoo degay garoonka diyaaradaha.

Haysom ayaa bedalaya Micheal Keating kaasi oo ahaa Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ufadhiya Muqdisho tan iyo sanadkii 2015-kii xili mudada xileedkiisu ku ekaa 1-da bishaan October.

Shalay oo Talaado ahayd ayey xilka isugu kala wareejiyeen labaddaan mudane kadib munaasabad kooban oo ka dhacdey xarunta Qaramadda Midoobay ee magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Nicholas Haysom oo ah Diblumaasi sarre oo udhashay South Sudan kana soo shaqeeyay dalal ay ku jiraan Afghanistan iyo Suudaanta Koonfureed ayaa sidoo kale ah Qareen Dimuqraadiyadda udhuun duleela, isaga oo horey uga dhawaajiyey in DFS ay wajaheyso caqabado kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM