Nicholas Kay oo Kismaayo gaarey lana kulmay madaxda Jubaland

Image

June 18, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta gaarey magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Key iyo wafdigiisa, ayaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kulan muddo kooban qaatey kula yeeshay guddiga diyaarinaya dastuurka Jubaland iyo weliba qaar kamid saraakiisha hawl-galka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Nic Kay ayaa intaas kadib usii gudbey xarunta madaxtooyada, halkaasoo uu kulan albaabadu u xiran yihiin kula yeeshay madaxda ugu sarreysa maamulka Jubaland, gaar ahaan Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).


Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin: hawlgalka Al-shabaab looga sifeynayo gobollada Jubooyinka, dardargelinta taageerada Qaramada Midoobey ay siiso Jubaland iyo weliba sidii xal looga gaari lahaa khilaafka soo kala dhex galay Jubaland iyo Dowladda Federaalka.

Jubaland ayaa dhowaan xiriirka u jartey Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii baarlammaanka federaalku sharci darro ku tilmaamay qaabkii lagu soo dhisey baarlammaanka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM