Nigeria iyo Indonesia oo safiiro cusub u soo dirsadey Soomaalya

Image
Image
Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay diblumaasiyiintan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Nigeria, Yusuf Yunusa iyo Indonesia Dr. Mohamad Hery Saripudin.

Yunusa oo Farmaajo soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Muhammadu Buhari ayaa sheegay in uu dadaal muuqda gelin doono xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan.

Farmaajo iyo Danjire Yusuf ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan kor u qaadidda iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo la dagaallanka argagixisada ee dhibaatada ku haya labada shacab ee Soomaaliya iyo Nigeria.

Dhankiisa, Saripudin oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalkiisa Mudane Joko Widodo ayaa bogaadiyey horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay ee dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidammada, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Farmaajo oo Danjiraha Cusub ee Indonesia Dr. Mohamad Hery Saripudin ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay Soomaaliya iskaashi miradhal ah oo ku dhisan is-qaddarin, horumar iyo wax wada-qabsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM