​Niman Rayid ah oo dilay sarkaal katirsan Al Shabaab

Image

JOWHAR, Somalia- Labo nin oo rayid ah, ayaa lagusoo waramayaa inay khaarajiyeen amiir sare oo katirsan kooxda Al Shabaab kaasoo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Raxaale, xilli uu ku sugnaa gobolka Shabeellaha dhexe.

Ragga dilka gaystay, ayaa ciidamada ammaanku kusoo bandhigeen Saldhig ku yaalla degmada Jowhar ee xarunta gobolkaas, waxayna faah faahin ka bixiyeen sababta ku kaliftay inay dilaan Sarkaalkaas oo caan ka ahaa gobolka.

Weerarka lagu dilay ninkan waxa uu ka dhacay deegaanka Ceel Dheere Barsane oo qiyaastii 50 km u jirta magaalada xarunta maamulka Hir-Shabeelle.

Mid kamid ah ragga dilka fuliyay oo lagu magacaabo Ibrahim Aadan Macallin, ayaa VOA u sheegay in Taliyaha la dilay uu amarro qalafsan kusoo rogay dadka deegaanka.

Ibrahim, ayaa xusay inay u adkaysan waayeen tallaabooyinka uu horjoogahaas u adeegsaday shacabka, wuxuuna intaas ku daray in dhowr jeer lacago badan laga qaaday.

Tallaabadan majirto ilaa hadda cid kahadashay.

Ururka Shabaab, ayaa inta badan dadka ku sugan goobaha ay ka arrimiyaan ka qaada lacago ay ugu yeeraan Zeko, waxaana taas muddooyin kala duwan ka horyimid shacabka iyadoo ay dhalisay dagaalo u dhaxeeya shacabka iyo Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM