Nin dad ku rasaaseeyay magaalada Baladweyne

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Qof la sheegay inuu madaxa ka xanuunsanayo ayaa rasaas oodda uga qaaday dad shacab ah oo ku sugnaa gudaha magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Hal qof ayaa dhintay, waxaana sidoo kale dhaawacmay Afar kale oo ay soo gaareen dhibaatooyin kala duwan.

Majirto cid ilaa hadda ka hadashay dhacdadaas iyo sidoo kale xaalka ninka weerarka gaystay.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta soo gaaray iyagoo qaaday dhaawacyadii rasaasta wax ku noqday, kuwaasoo iminka lagu dabiibayo gudaha magaalada Baladweyne.

Ninkii dilka gaystay ayaa gacanta lagu hayaa, waxaana kusocda baaritaan, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM