Nin kufsi ka geystay Gedo oo xukun dil ah lagu fuliyay [Kumuu ahaa?]

Image

GARBAHAAREY, Jubbaland - Mas'uuliyiinta gobolka Gedo gaar ahaan magaaladda Garbahaarey ayaa maanta oo Talaado ah xukun dil ah ku fuliyay nin la sheegay in uu kufsi iyo dil u geystay gabar 18-sano jir ahayd.

Gudoomiye ku xigeenka degmadda Garbahaarey, Aadan Siraad Maxamuud, ayaa u sheegay warbaahinta in eedaysanaha, Maxamuud Cali Xaamuud, lagu helay dambiga kahor inta uusan qiran.

Mr Aadan ayaa ku adkeystay in Maxamuud uu helay garsoor cadaalad ah, isaga oo ku nuux-nuux saday in la siiyay fursad uu isku difaaco, isla markaana loo qabtay Qareeno madax banaan.

Gal-dacwadeedka lagu soo eedeeyay Maxamuud ayaa horaantii sanadkaan ka dhacay tuulo ku dhow degaanka Reys-qode oo qiyaasitii 18 KM u jirta xarun goboleedka Gedo, oo hoostaga Jubbaland.

"Gabadha wuxuu fara-xumeeyay isaga soo iska dhigay qof doonaya in uu xod-xodasho [shukaansi] la sameeyo..wuxuuna ku ceejiyay maradii ay wadatay," ayuu yiri Gudoomiye Aadan oo sharaxaya siduu falka u dhacay.

Maxamuud Cali Xaamud, oo ahaa 32-sano jir, ayaa ifka kaga tegay caruur iyo xaas, sida laga soo xigtay Gudoomiye ku xigeenka degmada Garbahaarey, kaasoo sheegay in aanu hubin tirada Ubadka.

– "Haloo midoobo ciribtirka kufsiga" –

In-dhawaanahaan waxaa degaanada ay degto Soomaalida kusoo kordhayay xadgudubyada ka dhanka ah gabdhaha, iyada oo lasoo wariyay kiisas la xiriira kufsi iyo dil loo geystay haween Soomaaliyeed.

"Maamulada dariskeena ah waxaan ugu baaqi lahayn in ay mowqifkaan oo kale ay ka qaataan dadka ku kaca kufsiga oo aanan loo jixin-jixin, cid aan uga heebaysaneyno ma jirto," ayuu daba dhigay.

Dhowaan ayey ahayd markii maxkamadda darajada koowaad gobolka Nugaal ee dowladda Puntland ay xukun dil toogasho ay ku ridday 5 dhalinyarro, kuwaasoo kufsi iyo dil ka geystay magaaladda Galkacayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM